4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 21, 2014
Kumanaan arday ah oo u fariistay imtixaanka qubuulka Jaamacada Muqdisho


Khamiis, Ogoosto 21, 2014 (HOL) — Kumannaan arday Soomaaliyeed ah oo isugu jira gabadho iyo wiilal ayaa maanta u fariistay imtixaanka ogolaashaha Jaamacadda Muqdisho ee sannad- waxbarashdeedka 2014-ka illaa 2015-ka.

Imtixaankan ayaa ka billowday dhammaan xarumaha kala Jaamacaddu ay ku leedahay Muqdisho, iyadoo ardayda imtixaanka u fariistay wajiyadooda laga dheehan karay dadaal iyo diyaar-garow ku aaddan imtixaanka.

Diiwaanhayaha guud ee Jaamacadda Muqdisho, Dr. Maxamed Xasan Nuur oo la hadlayay warbaahinta ayaa u mahad-celiyay dhammaan ardayda maanta u fariisatay imtixaanka qubuulka iyo waalidka Soomaaliyeed kalsoonida ay siiyeen Jaamacadda Muqdisho. Wuxuuna xusay in jaamacadda lagu yaqaan inay gudan doonto kaalinteeda kaalinteeda wax-barashada.

Mar uu ka hadlayay ayaa sheegay in kulliyadaha maanta imtixaannada ay u galayaan kumannaanka arday ay yihiin sagaal iyo 28 sideed iyo laabatan taqasus oo ka mid ah qaybaha ay Jaamacaddu bixiso.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in natiijadooda imtixaanka loo soo dhajin doono 03-Sebtembar 2014-ka, iyadoo markaas kadibna loo qaban doono ardaydan toddobaadka dhaqanka Jaamacadda Muqdisho oo sanad walba loo qabto si loo baro ardayda cusub sharciyada Jaamacadda u degsan iyo weliba si loo siiyo aqoon dheeri ah oo wax-u-tari doonta.

Jaamcadda Muqdisho oo ka mid ah jaamacadaha ugu faca-weyn Soomaaliya ayaa waxay kaalinta 50-aad ka gashay 100-ka jaamacadood ee Afrika ugu horreeya. Iyadoo ardaydii Jaamacadda wax-ka-bartay ay qaarkood hadda ka shaqeeyaan dhammaan hay'adaha kala duwan ee dalka, halka qaarkood ay cilmiyada sare ka diyaariyaan Jaamacadaha caalamka qaarkood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya