4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 21, 2014
Ciidammo isku hor-fadhiya xarunta ADC-da Baydhabo iyo xaaladda oo kacsan

Khamiis, Ogoosto 21, 2014 (HOL) — Saqdii dhexe ee xalay ayay ciidamada nabad-sugida iyo kuwa booliiska dowlada Soomaaliya ayaa la geeyey ADC-da Baydhabo oo ahayd xarunta madaxtooyda maamulka ka kooban lixda gobol ee uu madaxweynaha ka yahay, Madoobe Nuunow Maxamed.

Xoogag taaageersan Madoobe Nuunoow ayaa iyaguna ku jira gudaha ADC-da Baydhabo, iyadoo tani ay imaanayso xilli guddi farsamo iyo mas’uuliyiin ka socota dowladda Soomaaliya ay u joogaan Baydhabo sidii loo dhisi lahaa maamul ka kooban saddex gobol.

Ciidamada dowladda Somalia ee xalay la geeyay xarunta ADC-da iyo kuwa maamulka Koonfur-galbeed ayaa isku hor-fadhiya xaruntaas, iyadoo laga baqdin qabo inuu dagaal dhexmaro.

Wasiirka gaadiidka iyo dhulka ee maamul-gobaleedka lixda gobol ka kooban, Cabdullahi Maxamed Idiris ayaa ku dhawaaqay inay dagaal la geli doonaan cid walba oo isku dayda inay qabsato xarunta ADC-da oo iyaga xarun u ah.

Magaalada Baydhabo ayaa laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah, iyadoo ay socdaan dadaallo nabadeed oo lagu doonayo in looga hortago in xaruntaas lagu dagaalamo, iyadoo aan la ogeyn sida uu xaalku noqon doono sacadaha soo socda.

Hiiraan Online, baydhabo