4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 21, 2014
Dhallinyarada ku Biiraya Daacish oo aad u sii Kordhaya iyo Walaac laga qabo

Khamiis, Ogoosto 21, 2014 (HOL) — Sirdoonka Britain ayaa sheegay inay sii korhdayaan ku biiraya kooxda islaamiyiinta ah ee Daacish, iyagoo xusay inay u badan yihiin dadka kooxdaas u galaya kuwo haysta dhashada Britain.

Xoogagga ku biiraya Daacish oo ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuriya ayay ku sheegeen sirdoonka Ingiriiska inay ku jiraan Soomali badan oo dalkooda iyo kuwo kale oo Yurub ah ku nool amaba ku dhashay.

Sidoo kale, saraakiil u hadlay sirdoonka Britain ayaa xaqiijiyay in Turkiga uu marin uu noqday muwaadiniinta Ingiriiska ah ee doonaya inay ku biiraan khilaafada Islaamiga ah ee ISIS, isla markaana looga baahan yahay Turkiga inay arrintaas taxadar u yeelato.

“Macluumaadka la hayo ayaa xaqiijinaya in 400 illaa 500 qof oo haysta dhalshada Britain, ayna ku jiraan Somaali, waxaana ka walwalsannahay arritan oo sii kordhaysa,“ ayaa laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan sirdoonka Britain.

Filimmo lasoo dhigay baraha Internet-ka ayaa waxaa ka muuqday dad dalka Ingiriiska u dhashay oo ku biiraya kooxda Daacish, kuwaasoo qaarkood ku goodiyay inay ku hanjabeen inay weerarayaan Britain.

Ra’iisul wasaaraha UK, David Cameroon oo soo gaabiyay fasax uu ku joogay dalalka caalamka, isagoo sheegay inuu dadaal u galayo sidii dalkiisa uu uga qaadan lahaa go’aan arrinta ku saabsan Britishka ku biiraya Daacish.

Xukuumadda Britian ayaa sheegtay inay yareynayso dadka dalkeeda kasoo jeeda ee dibadda u safraya, si looga hortago dhallinyarada ka mid noqonaya kooxdan isku magacowday khilaafada Islaamka ee Shaam.

Dalal badan oo caalamka ah ayaa si weyn uga walaacsan dhallinyarada ka imaanaya Yurub iyo Ameerika ku biiraya kooxaha Al-Qaaciada taageersan ka dagaalamaya dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya