4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 21, 2014
Golaha Wasiirada oo ku baaqay in laga qayb-qaato gurmadka abaaraha dalka


Khamiis, Ogoosto 21, 2014 (HOL) — Golaha wasiirada xukuumadda Somalia oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ee ka jira dalka, waxayna sheegeen inay qaadanayso hoggaaminta dadaalka wax loogu qabanayo bulshada ay dhibaateeyeen abaaruhu.

Wasiirradu waxay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka iyagana ugu baaqeen inay ka qayb-qaataan gurmadka loo fidinayo dadka dhibaataysan ee ku nool deegaannada ay abaaruhu ku dhufteen.

“Dowladda Soomalaiy waxaa mas’uuliyad ay iska saartay nolosha shacabka Soomaaliyeed, iyadoo qaadanaysa kaalinteeda kaga aaddan wax-u-qabadka dadka ku dhibaataysan gobollada ay abaaruhu ku dhufteen. Waxaan dadka wax haysta ee Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka ugu baaqaynaa inay ka qayb-galaan gurmadka loo fidinayo dadka baahan,” ayuu yiri wasiirka diinta iyo owqaafta ahna ra’iisul wasaare ku xigeen oo guddoominayay shirka, Ridwaan Xirsi Maxamed.

Sidoo kale, golaha xukuumadda Somalia ayaa warbixin ku aaddan amniga dalka ka dhegeystay wasiirka Amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg isgaoo sheegay in ammaanka dalka uu si weyn u soo hagaagayo kaddib markii la qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo amniga Qaranka oo ay iska kaashadeen ciidamada ammanaka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Golaha wasiirrada ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Soomalaiyeed inay kor u qaadaan wada-shaqaynta hay’adaha ammaanka waddanka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo ammaanka dalka.

Ugu damayn, shirka golaha wasiirrada ayaa looga dooday hendise sharciyeedyada saxaafadda, xanaanada xoolaha dalka iyo waxbarashada oo la filayo in goluhu ku meel-mariyo kulammada soo socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya