4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 21, 2014
Bam-gacmeed Maanta lagu tuuray Xarunta Bisha Cas ee Magaalada Kismaayo

Khamiis, Ogoosto 21, 2014 (HOL) — Xarunta hay’adda bisha cas ee magaalada Kismaayo ayaa maanta gelinkii hore lagu tuuray bam-gacmeed, xilli uu halkaasi ka socday shir ay lahaayeen madaxda hay’adaha bisha cas iyo laan-qeyrta cas ee Kismaayo.

Bamkan oo aan la ogeyn cidda soo tuurtay ayaa kusoo dhacay bannaanka hore ee hool ay shirk u lahaayeen madaxda hay’daha SRCS iyo ICRC, mana jirto cid wax ku noqotay weerarkaasi, maadaama goobta uu bamku ku qarxay ay ahayd meel bannaan oo aysan xilligaasi cidina ku sugnayn.

Sarkaal ka tirsan hay’adda bisha cas ee Kismaayo oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto ayaa HOL u sheegay in bamka lagu soo tuuray xarunta gudaheeda balse waxa uu sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay.

“Bamka wuxuu kusoo dhacay bannaanka hore ee Hool uu shir inooga socday, ma jirto cid wax ku noqotay,” ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.

Ciidamada ammaanka maamulka Jubba ayaa weerarka kadib goobta gaaray, waxayna ka sameeyeen howlgallo baaritaanno ah oo lagu baadigoobayo cidii ka danbeeysay weerarkaasi.

Hay’adaha SRCS iyo ICRC ayaa kamid ah hay’adaha ka howlgala gobolka Jubbada hoose, waxayna gacanta ku hayaan xarumo kala duwan oo caafimaad.

Max’ed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]  
Kismaayo-Soomaaliya