4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 21, 2014
Madaxweynaha deegaanka Somalida Itoobiya oo ka hadlay horurmarka socda

Khamiis, Ogoosto 21, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu baaqay maamulada gobollada inay ka soo dhalaalaan shaqada loo idmay, isago oo xusay in maamulkiisa u ku dadaalayo horumarka deegaanka iyo sidi loo balaarin lahaa.

“Horumarka la smeeyay waxan doonaynaa in u noqdo mid la sii laba jibaarro si bulshada loo tuso kalsoonida ay dowladda ku qabi karaan,“ ayuu yiri madaxweynaha oo la hadlayay warbaahinta afka DDS ku hadasha.

“Maamulkayaga waxaa ka go’an in la sii wado mashaariicda horumarineed ee ka socda caasimadda Jig-jiga iyo gobolada kaleba”ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha oo tilmaamay in waqti badan lagu bixiyay hirgalinta barnaamijka dib u curashada.

Cabdi Maxamud Cumar ayaa u digay kooxo uu ku sheegay in ay nabadiid yihiin, isagoo hoosta ka xariiqay in aysan jirin cid ka hor-imaan karta nabad-galayda Dowlad deegaanka  iyo horumarka laga gaadhay dhinac amniga.

“Xukuumaddu waxa ay ka shaqaynasaa in la hormariyo kaabayaasha horumarka sida biyaha ,caafimaadka,waxbarashada  iyo wax soo saarka beeraha si shacabka ay isku filnaansho u gaaraan “ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu danbayntii maamulka madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaanka DDS la wareegay sanado ka hor ayaa caqabad weyn kala kulmayay jabhadda mucaaradka ah ee  ka dagaalanta qaybo kamid ah gobolka ee ONLF.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]