4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 21, 2014
Odayaal-dhaqameed Soomaaliyeed oo dood-cilmiyeed loogu qabtay Muqdisho


Khamiis, Ogoosto 21, 2014 (HOL) — Dood-cilmiyeed ay soo qaban-qaabisay hay’adda CCD ayaa maanta loo qabtay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaasoo looga hadlay sidii dhallinyarada loo wacyi-gelin lahaa.

Doodda ayaa looga hadlay qodobbo dhowr ah oo ay hay'addu soo diyaarisay, waxaana la isla gartay sida kaliya ee dhallinyarada looga saari karo Al-Shabaab, loona fahamsiin lahaa dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.

Nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa odayaashii kulankaas ka qaybgalay ayaa sheegay in fikirka ay dhallinyaradu qaateen, sidaas darteed loo wacyi-geliyo kuwa ay nolosho ku jirto.

“Fikirkaas qaldan ee ay maanta ku jiraan dhallinyarada sax ma ahan, hadeer oo ay sii liitaana sax ma ahan, waxaan ku wacyi-gelinaynaa inta ay nool yihiin ama ha yaraadeen inay kusoo laabtaan bulshada kale ee wax toosinta iyo nolosha wax ku leh, in la is dilaa sax ma ahan, qofka haddii shaqadiisa tahay in la is-dilo, in lagu sii jiraba ma ahan,” ayuu yiri nabaddoon Xaad.

Sidoo kale, Xaad ayaa ugu baaqay inta dhallinyarada ee badbaaday ay dib qoyskooda iyo mujtamacooda ula midoobaan, ayna u horseedaan nolol iyo waxbarsho iyo dib u dhiska dalka.

"Horta Al-shabaab wax miyay dilaan mise wax ayay nooleeyaan, waxbay dilaan, waxaa leeyahay dhallinyarada jidkaas qaldan yeysan idin la tagin, ha soo laabteen walaalahooda ha u yimaadeen, hala soo dhoweeyo, sidaas ayaa ku talinaynaa haddaan odayaal nahay,” ayuu yiri Xaad.

Isna waxaa ka hadlay nabaddoon Yuusuf Axmed Bootaan oo isna sheegay in dadka wada-hadlaan, lan xoojiyo nabadda, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka faa’iideystaan dadaallada nabadda lagu xoojinayo.

"Odayaasha mar walba waxay diyaar u yihiin inay hanuuniyaan dhalinyarada Soomaaliyeed, una tilmaamaan mustaqbalkooda, odayaasha ayaga dadkan mas'uul ka ah, sidaas darteed waxay dhallinyarada u gudbinayana dhaqanka saxda ah, iska dhaafaan dhibaatada ay u xagliyaan,” ayuu yiri Bootaan.

Iimaan Jimcaale Faarax iyo Suldaan Axmed Sabriye oo iyaguna hadlay ayaa sheegay in dhallinyarada la wacyi-geliyo, iyagoo sidoo kale ku wacyigeliyay inay ka qaybqaataan hagaajinta nabadda dalka.

Dhanka kale, waxaa ka hadlay Garaad Cali Garaad Axmed iyo Cabdulqaadir Xasan Warsame ayaa xusay in iyaguna in la xakameeyo xagjirnimada isla markaana dhallinyarada laga dhaadhiciyo in nabaddu ay tahay mid iyaga u dan ah.

Ugu dambeyn, odayaasha dhaqanka iyo ka qayb-galayaashii doodad ayaa is-weydaarsaday fikrado iyo talooyin muhiim ah oo ku saabsan sidii dhallinta loo bari karo dhaqanka saxda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya