4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 21, 2014
Kulankii looga hadlayay Arrimaha Qoxootiga Somalia oo la soo Gabagabeeyay


Khamiis, Ogoosto 21, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo waftigii uu hogaaminayo oo Addis Ababa uga qaybgalaya shir looga hadlayo xal-u-helidda qaxootiga Soomeeliyeed ee ku nool daafaha caalamka ayaa shirkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay.

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda UNHCR ayaa waxaa ka qayb-galaya dalka dariska la ah Soomaaliya, sida Kenya, Ethiopia, Yemen, Uganda iyo Jabuuti.

Wasiirrada ka qaybgalaya shirka ayaa dhammaantood sheegay inay sii wadi doonaan marti-gelinta qaxootiga Somalia, kalana shaqaynayaan dowaladda federaalka ah sidii ay dalkeeda ay u xasilin lahayd, taasoo u baahan waqti iyo is-garab-taagg uu caalamku u muujiyo dowladda Soomaaliya.

Madaxa hay’adda UNHCR, Guturees ayaa aad uga dheeraday ahmiyada uu shirkan u leeyahay Somalia iyo sidii ay wax ugu qaban lahaayeen qoxootiga Soomaaliyeed dalalka ay ku nool yihiin, indhaha caalamkana loogu jeediyo in qaxotiga Soomaaliyeed ay yihiin kuwo dhibaataysanaa muddo rubac qarni ah.

“Wali waxaa ka jira qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya amni-xumo aan u saamaxeyn in qaxootigu ay ku noqdaan dalkooda, waxaa laga rabaa dalalka shirkan fadhiya inay sii wadaan marti-gelinta qaxootiga Soomalida, iyadoo ay qayb ka tahay shaqadeyda ilaalinta iyo u doodidda qaxootiga adduunka, anigoon ku xadgudbaynin shuruucda u taalla dalalka ay qaxootigu joogaan. Waajibka na saaran ma ahan inaan qaxootiga keliya ka hadalno ee waa in aan dadaal u galno in dalka siyaasadda ahaan iyo amni ahaanba uu noqdo mid u saamixi kara in qaxootigu dalkooda ku noqdaan,” ayuu yiri mas’uulka UNHCR u hadlay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa isna sheegay in ka badan hal milyan oo Soomaali ah ay qaxootinimo ku joogaan dalalka dariska ah, halka intoo kale ay ku barakaceen gudaha dalka.

“Ugu horreyn waxaan halkan ugu mahadcelinayaa dalalka magan-galyada iyo soo dhaweynta u sameeyey qaxootiga Soomaaliyeed. Qaxootigaas inta badan waa dadka ugu jilicsanbulshada, waxayna u baahan yihiin waxyaalo badan, balse waxaa adag inay helaan baahiyahooda oo dhamaystiran. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa hay’adaha qaybta weyn ka qaata wax u qabashada qaxootiga, sida UNHCR, IOM iyo hay’adaha kale ee UN,” ayuu yiri C/weli Sheekh oo intaa ku daray in waftiga uu horkacayo laga daalacan karo sida ay uga go’an tahay in mustaqbalka dhow ay dalkooda dib ugu soo noqdaan qaxootiga Soomaaliyeed, inta ka horreysana ay joogaan dalalka ay hadda ku nool yihiin ayna helaan xuquuqahooda asaasiga ah.

Wuxuu intaas ku daray. “Dhawaan waxaan kulan kula qaatay dalka Kenya madaxweynaha dalkaas Uhuru Kenyata iyo ku-xigeenkiisa, waxaana isla soo qaadnay sidii loo fulin lahaa heshiiskii sadex geesoodka ahaa, si hab shar-ciyeeysan loogu diyaariyo qaxootiga inay dalkooda kusoo noqdaan iyagoo aan la qasbin.”

Go’aannadii shirka kasoo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa in shir wadajir ah ah qaataan shanta dal ee qaxootigu joogaan iyo dowladda Soomaaliya. Dukumiintiyadaas waxay sheegayaan ayidaadda qorshaha guud ee xal u helida arrimaha qaxootiga Soomaaliya.

Warmurtiyeed ay soo wada-saareen dhamaan madaxdii ka qayb-galay shirka iyo UNCHCR ayaa lagu qeexay in dal kasta uu sii wado qaybta uu ka qaadan karo sii-haynta qaxootiga iyo in dhinaca Soomaaliya loo diyaariyo jawi ay dib ugu laaban karaan qoxootigaas iyo in hay’adda Qaxootiga Aduunka ay kaalin muuqata ka qaadato soo ceelinta qaxootiga Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya