4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 21, 2014
Somalia oo ka Qayb-gashay kulan looga hadlay Maamulidda deeqaha Jabbaan


Khamiis, Ogoosto 21, 2014 (HOL) — Soomaaliya ayaa ka qaybgasha kulan looga hadlay maamullada deeqaha ay dowladda Jabbaan siiso Soomaaliya, iyadoo uu shirkaas uga qaybgalay Somalia, xubno ka socday wasaaradaha arrimaha dibadda, qorsheynta iyo maaliyadda.

Kulanka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ahaa mid saddex-geesood ah, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka socday dowladda Jabbaan iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

Wakiilladii ka socday dowladda Soomaaliya oo kala ahaa; C/llaahi Dool Maxamed, Cabdi Diireshe iyo mas’uul ka socday wasaaradda maaliyadda ayaa la falanqeeyay xubnihii Jabbaan iyo Qaramada Midoobay qaabka loo maamulay deeqihii hore maaliyadeed ee ay Somalia ka heshay Jabbaan iyo qaabka cusub ee loo maareynayo deeqaha soo socda.

Cabdullaahi Dool ayaa kaga mahadceliyay Jabbaan taageerada lixaadka leh ee ay la garab-joogto dowladda federaalka Somalia, isagoo ka sheekeeyay xiriirka adag ee kala dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabbaan.

Shirkan lagu qabtay Nairobi ayaa wuxuu qayb ka yahay sidii xisaab hufan oo lagu qanci karo loogu maareeyo deeqaha Soomaaliya ay ka hesho caalamka, iyadoo dowladda Soomaaliya ay horay u sheegtay inaysan helin yabooh loo ballanqaaday sannadihii lasoo dhaafay.

Dalka Jabbaan ayaa waxaa lagu qabtay sannadkii hore shir dhaqaale ururin ah oo loo sameeyay Soomaaliya, inkastoo dowladda Soomaaliya aysan weli ka hadlin inay heshay dhaqaalahaas loogu deeqay iyo in kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya