4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 20, 2014
Wax-soo-saarka Gobolka Bay oo hoos ugu dhacay Roobkii Sannadka oo yaraa


Arbaco, Ogoosto 20, 2014 (HOL) — Xilligii roobka Guga ee lasoo dhaafay ayaa gobalka Bay intiiisa badan uu ku yaraa, iyadoo roob la’aantu ay soo jirtay afartii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo xilliga dayrta ay ahayd  tan inta badan ka di’i jirtay gobolka.

Isbedelladan dhinaca roobka ah ee Soomaaliya ayaa sababay inuu aad u yaraado wax-soo-saarka beeraha ee gobolka Bay, iyadoo dhanka kalena ay beerihii yaraa ee soo baxa ay baabi’iyeen cayayaanno kala duwan.

Mar ay HOL wareysatay guddoomiyaha beeraleyda gobalka Bay, Cabdullaahi Sheekh Xaamuud ayaa sheegay in beeraha ay soo weerareen shimbirro la yiraahdo Shiiqleey, taasoo khasaaro badan gaarsiisay dalaggii beeraha ee ku baxay roobabkii yaraa ee da’ay.

“Deegaannada qaarkoodna ma helin wax roob ah, sida degmada Berdaale,” ayuu Cabdullaahi hadalkiisa ku daray, isagoo intaas ku daray in xaaladaha beeraha gobolka ay yihiin kuwo aad u liita.

Beeraha qudaarta iyo geed miroodka gobalka Bay ayaa aad u yar, iyadoo sidoo kale laga dareemayo biyo yaraan ceelasha, waxaana suuqyada aad ugu yar qudaarta iyo miraha la beerto.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo xukuumadda Soomaaliya ay dhawaan shaacisay in gobollo ka tirsan gobollada dalka oo ay ku jirto Bay ay ka jiraan abaaro xooggan oo dad badan saameeyay.

Qaramada Midoobay ayaa iyaduna sheegtay in abaraha Somalia ay yihiin kuwo u muuqda inay meelo khatar ah gaaraan, waxayna dalalka deeqaha bixiya ugu baaqeen inay gargaar deg-deg ah la gaaraan dadka Soomaaliyeed.

Hiiraan Online, Baydhabo