4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 20, 2014
Wasiirro Sheegay in ay ka baxeen Maamulka Lixda Gobol ee Koonfur-Galbeed

Arbaco, Ogoosto 20, 2014 (HOL) — Toddoba xubnood oo wasiirro ka ahaa maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban ayaa warbaahinta u sheegay inay kasoo tageen maamulkii ay ka tirsanaayeen.

Shir jaraa’id oo Baydhabo uu ku qabtay, Nuur Macallin Maxamed Bukoroow oo ahaa wasiir ku xigeenka lacagta ayaa sheegay inay taageersan yihiin  qorshaha maamul u sameynta saddexda gobol oo ay hormuudka ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirrada ayaa waxay kala yihiin:

1. Nuur Maxamed Macallin Bukurow
2. Maxamed Aadan Cabdi
3. Cabdullahi Cabduqadir Macoow
4. Sayid Axmed Sayid Maxamuud
5. Cabdirashiid Cali Nuur
6. Cabdullahi Xaaji Iikar
7. Aadan Cusmaan Sujuu

Nabaddoon Mustafa Cabdullahi oo ka mid ah golaha guurtada maamulka ka kooban lixda gobol ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ku talo-gashay in lacag ay ku kala furfurto maamulkan, si loo hirgeliyo maamulka cusub ee la doonayo in Baydhabo lagu dhiso bishan gudaheeda.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan wasiirro ka socda dowladda iyo guddi farsamo oo xil-saaray sameynta maamulka saddexda gobol ka kooban oo maamuli doona gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose.

Tiradan wasiirrada ah ee maanta shaaciyay inay kasoo baxeen maamulka ka kooban lixda gobol oo weli ka biyo diiddan sameynta maamulka ay dowladdu waddo ayaa noqonaya kuwii ugu tiro badnaa ee mar qura ku dhawaaqa inay kasoo tageen dhinac ka mid ah dhinacyada isku haya Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo