4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 20, 2014
WAR-MURTIYEED: Shirkii Madaxda Puntland iyo Xildhibaannada Federaalka


Arbaco, Ogoosto 20, 2014 (HOL) — Waxaa soo gaba gaboobay kulan muddo
labo maalmood ah xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe uga soconayey madaxda ugu sarreysa maamulka Puntland iyo xildhibaanno kasoo jeeda deegaanada Puntland oo ka tirsan Baaralmmaanka Soomaaliya.

Kulanka oo muddadii uu socdey ay warbaahintu dibadda ka joogtey, waxaa maanta laga soo saaray warmutiyeed afar qodob ka koobnaa, kaas oo ay si wadajir ah isula saxiixeen Maamulka Puntland iyo xildhibaannada ka tirsan federaalka ee wada-tashiga ugu soo laabtay Puntland.

War-murtiyeedka oo nuqul kamid ahi uusoo gaarey Hiiraan Online ayaa u qornaa sidan:


Kaddib markii dhamaadkii bishii hore ee July [30/7/2014] magaalada Muqdisho lagu kala saxiixday heshiis lagu dhisayo maamul-goboleedka Gobollada Dhexe oo ka kooban Gal-guduud iyo Mudug, Puntland waxay shaacisay in gebi ahaanba ay xiriirka u jartay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Maamulka Puntland wuxuu wada-tashi ugu yeeray dhammaan xubnaha ka soo jeeda deegaannada Puntland ee ku jira Dowladda Federaalka, kuwaas oo lagu amray in bishan Agoosto gudaheeda ay magaalada Garoowe isaga soo xaadiriyaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya.