4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 20, 2014
Siyaasi ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ku dhaqmayso Kali-talisnimo

Arbaco, Ogoosto 20, 2014 (HOL) — Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ah guddoomiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa ku eedeeyay dowladda Somalia in siyaasiyiin fikirkeeda kasoo horjeeda ay xabsiyada dhigtay, kuwaasoo uu sheegay inay xiran yihiin iyagoo aan maxkamad lasoo taagin.

Guddoomiyaha xisbiga nabadda iyo dimuraadiyadda ayaa intaas ku daray in nasiib-darro ay tahay in dowladda federaalka ah ay dib u soo celiso nidaam kali-talisnimo ah oo dalkan lagu xukumayay muddo 21-sano ah.

“Dowladda Soomaaliya waxaa u xiran siyaasiyiin fikradaheeda shaqo kasoo horjeestay, caalamka waxaa u sheegeynaa in dowladddu ay xirayso dadka kasoo horjeeda fikirkeeda oo ay dalka dib ugu celiyeen nidaamkii milateri ee awoodda halka dhinac ah ku dhisnaa,” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan.

Siyaasigan ayaa ka mid ahaa kuwo ay ciidamada dowladdu toddobaadkii hore ku weerareen degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, inkastoo uu ka baxsaday, waxaana uu sheegay in siiyaasiyiinta xiran ay ka mid yihiin Timo-Jilic oo ka mid ah mas’uuliyiinta xisbi siyaasadeed dalka ka jira.

“Labo siyaasi ayay ciidamada dowladdu xirnee, xilli ay shirar jaraa’id qaybo ka mid ah Muqdisho ku qabanayeen,” ayuu hadalkiisa raaciyay Xasan oo ku tilmaamay xariggaas mid muujinaya kali-talisnimada ay ku dhaqmayso dowladda hadda jirta.

Dhanka kale, wuxuu sheegay C/llaahi Sheekh Xasan in ciidamada nabad-sugidda dowladda ay sidoo kale xireen 11-wariye oo ka qaybgalayay shirka jaraa’id ee ay siyaasiyiintu qabanayeen, taasna ay qayb ka tahay ka hor-tagga xorriyatul qowlka iyo tan saxaafadda.

Siyaasigan ayaa hadalkiisa kusoo beegay iyadoo ay soo baxayaan eedeymo loo jeedinayo dowladda Soomaaliya oo ku aadan inay dooneyso inay afka xirto shaqsiyaadka dhaliilsan siyaasadaheeda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya