4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 20, 2014
Ciidamada Uganda ee AMISOM oo ka Cabanayaan Mushaar la’aan bilooyin ah

ciidamada-amisom.jpg
Arbaco, Ogoosto 20, 2014 (HOL) — Ciidamada dalka Uganda ee AMISOM ka tirsan ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo lix bilood ah, iyagoo farriin cabashadooda la xiriirta u gudbiyay baarlamaanka dalkooda.

Mudane ka tirsan guddiga difaaca u qaabilsan barlamaanka Uganda ayaa shaaca ka qaaday in mid ka mid ah ciidamadooda ku sugan Soomaaliya uu lasoo xiriiray uuna ku wargeliyay inuusan lix bilood qaadan wax mushaar ah.

“Waxay nagu wargeliyeen askarteenna ku sugan Soomaaliya inaysan muddo lix bilood ah qaadan wax mushaaraad ah; mid ka mid ah ciidamada ayaa ila soo xiriiray, wuxuuna iiga warramay cabashooda ku aaddan mushaar la’aanta,” ayuu yiri xildhibaan Muwama.

Xubnaha guddiga difaaca baarlamaanka Uganda ayaa wasaaradda Difaaca dalka Uganda ka dalbaday inay si dhaqso ah u hor-timaado baarlamaanka si wax looga weydiiyo cabashada ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM.

Jen. Katumba Wamala oo ah taliyaha ciidamada lugta Uganda ayaa sheegay in mar walba mushaarka ciidamada ay bixiyaan ururka Midowga Afrika, taas oo ay uu soo diro Midowga Yurub, isagoo xusay inuu jiro kala go’ dhinaca soo gudbintay lacagta ah loona baahan yahay in la dul-qaato.

Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ayaa waxaa mushaarkooda si toos ah u bixiya Midowga Yurub, iyagoo soo marsiiya Midowga Afrika, waxaana askari walba mushaar ahaan loo siiyaa bil walba 1,028 doollarka Mareykanka ah.

Dalka Uganda oo askartiisu ay ka cabanayaan Mushaar la’aan ayaa ah kuwa ugu badan ee AMISOM, waxaana sidoo kale ciidamadan ka jooga Soomaaliya, waxaana saraakiil iyo askar ka tirsan lagu helay xatooyo, taas oo keentay in maxkamado lasoo taago.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 22,000 oo askari, kuwaasoo gacan ka siiya dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto xoogagga Al-shabaab oo dhowr jeer isku dayay inay dowladda xukunka ka tuuraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya