4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 19, 2014
Howlgalo dad fara badan lagu qabqabtay oo laga sameeyay Suuqa Bakaaraha


Talaado, Ogoosto 19, 2014 (HOL) — Ciidamada Amniga dowladda Somalia ayaa maanta howlgallo dad badan lagu soo qab-qabtay ka sameeyaan Suuqa Bakaaraha, iyadoo goobo gaar ah lagu bartilmaameedsanayay howlgalladan.

Howlgalka oo aan saameyn ku yeelan howlaha ganacsi ee suuqa Bakaaraha ayaa la sheegay in ciidamada sameynayay ay isugu jireen booliis iyo nabad-sugid, kuwasoo ay horkacayeen saraakiil sare.

Goobaha sida gaarka ah looga sameeyay howlgallada ayaa waxaa ka mid ahaa; suuqa dawada, dahablaha, Cabdala Shideeye iyo qaybo kale, iyadoo ciidamadu a qabqabteen dhallinyaro looga shaki-qabo inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, waxaana mid ka mid lagu soo qabtay bastoolad sida ay qaar ka mid ah saraakiisha howlgalladan hoggaaminayay u sheegeen warbaahinta.

Howlgalkan ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha degmada Howl-wadaag oo uu suuqu ku yaallo, Axmed Nuur Cabdi Siyaad, isagoo sheegay inay qayb ka yihiin howlgaladii amniga lagu caasimadda xaqiijinayay, wuxuuna intaas ku daray in labo waaxood oo ka tirsan degmada laga sameeyay howlgallada.

“Waxaa howl-gallada maanta laga sameeyay laba waaxood oo degmada ka tirsan. Ciidanku waxay qabteen 45 qof oo ku jiray ruux bastoolad watay, sharciga ayaana la horgeynayaa,” ayuu yiri Axmed Nuur.

Saraakiisha hoggaaminayay howlgalka ayaa iyaguna sheegay in dadka ay soo qabqabteen ay qaarkood ahaayeen dad ay si gaar bar-tilmaameed ugu ahaa, ayna dhammaan dadkii ay ku qabteen howlgalladan ku sameyn doonaan baaritaanno, ciddii aan yeelan dambina ay sii deyn doonaan.

“Ciddii dambi yeelata sharciga ayaa la horgeynayaa,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha oo intaas ku daray. “Qofkii dambi lagu waayo waa la sii dayn doonaa, waayo dadka aan qabannay oo dhan waa tuhmanayaan.”

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay Muqdisho ka wadeen ciidamada amniga howlgallo ay hubka ku dhigayeen, kuwaasoo lagu sheegay kuwo lagu xoojinayo ammaanka caasimadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya