4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 19, 2014
Madaxweyne Siilaanyo oo kulan Albaabadu u xiran yihiin la yeeshay Nick Kay


Talaado, Ogoosto 19, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka xoghayaha qaramadda midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo Shalay booqasho ku imid Somaliland.

Shir ay albaabaddu u xidhan yihiin ayey madaxweynaha iyo argeygu wada yeesheen, waxaana markii shirkaasi dhamaaday warbaahinta la hadlay wasirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo ergayga qaramadda midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

“Waxaanu kala hadalay meesha dalku marayo, waxaanu kala hadalay nabad galyada, wada hadalkii Turkiga ka socday, waxaanu kala hadalay Khaatumo oo aanu u aragno inay rabshad wado, waxaanu kala hadalay Puntland, waxaanu u sharaxnay in Somaliland tahay dad jecel nabada, wada hadalna ku dhamayn karo wax walba.” Ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis oo kulanka dhexmaray xukuumadda iyo ergayga ka hadlay.

Sidoo kale, waxa uu wasiirku sheegay inay kala hadleen sidii qaramadda midoobay kala shaqayn lahayd dhinacyadda horumarka dalka, waxaanu yidhi  “waxa aanu ka codsanay inay nala shaqeeyaan, inay tababaro na siiyaan, inay xagga awooda wax nagala qabtaan, inay wax nagala qabtaan dhinaca Warbaahinta, Sharciga iyo Horumarinta Haweenka. Waxaanu aaminsanahay inay wada hadalo aad iyo aad u fiican ahaayeen, waxaanu go’aansanay inaanu wada shaqayno”

Ergayga qaramadda midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa isna halkaasi ka hadlay, waxaanu sheegay inay madaxweynaha ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin xoriyatul qawlka, xaga bani’aadanimaddda iyo kordhinta mashaariicda qaramadda midoobay ka waddo Somaliland.

“Waxaanu Awoodnaa inaanu Somaliland ka caawino waxyaabaha ay mudnaanta siinayaan, inaanu ka jawaabno Baahayaha Somaliland. Ujeedada Qaramada Midoobay waxa weeye inay dadka ku taageerto sidii ay ugu raaxaysan lahaayeen Nolol oo leh Nabad Wanagaasan, Nolol fiican, iyo iyadoo la xaq dhawrayo Xuquuda Aadamaha iyo Xorriyada Shaqsiga ahba”Ayuu yidhi Nicholas Kay.

Sidoo kale, wuxuu ergaygu la kulmay goleyaasha baarlamaanka iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland