4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 19, 2014
C/weli Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Mashruuca yareynta dhimashada…


Talaado, Ogoosto 19, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa maanta ka qayb-galay xaflad lagu daah-furayay olole lagu dar-dar-gelinayo yareynta halista dhimashada hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed xliliga umusha, taasoo ay iska-kaashadeen wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo hay’addo caalami ah.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb-galay wasiirro ka tirsan xukuumadda, dhakhaatiir, khubaro dhanka caafimaadka ah, safiirro, xubno hay’adaha caalamiga ah ka socday iyo maamulka gobolka Banaadir.

Wasiirka cusub ee caafimaadka, Cali Maxamed Maxamuud oo munaasabadda ka hadlaya ayaa mahadcelin kaddib sheegay in wasaaradiisu ay ahmiyadda koowaad siinayso sidii dadka Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen adeeg caafimaad oo dhamaystiran.

Ra’iisu wasaaraha ayaa isna sheegay in nidaamka caafimaadka waddanka uu yahay mid aad u liita ayna xukuumaddiisu mudnaanta koowaad siinayso sidii uu miro-dhal u noqon lahaa barnaamijkaan cusub.

“Aad ayaan uga xanuunsanayaa in hooyada Soomaaliyeed aysan helin daryeel caafimaad xilliga ay ku gudo jirto dhalmada, maanta Soomaaliya waxay gashay heerka ugu hooseeyay caalamka oo hooyooyinku ku umul-raacdaan, waa inaan aad uga fakernaa sidii wax looga qaban lahaa caafimaad-xumada haysata Hooyooyinka iyo Carruurta Soomaaliyeed oo ah kuwa ugu nugul bulshada, waxaan ka rajaynayaa in caalamku nagu garab is-taagayo hirgelinta adeegyada caafimaadka, ummad aan caafimaad lahayn ma gaari karto horumar iyo nolol fiican,” ayuu munaasabadda ka sheegay ra’iisu wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, ra’iisul waasaruhu wuxuu wasaaradda caafimaadka si gaar ah ugu amaanay dadaalka ay ugu jirto sidii dadka Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen adeeg caafimaad oo dhamaystiran, isla markaana meesha ka saara dhibaatooyinka soo wajaha hooyooyinka Soomaaliyeed xiliga dhalmad.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare C/weli Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii danbe ee maanta u ambabaxay dalka Itoobiya halkaasoo uu ka dhici doono berri shir caalami ah oo ay kasoo qayb-galayaan dalalka marti-galiya qaxootiga Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya