4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 19, 2014
Qaramada Midoobay iyo Maamulka Jubba oo ka shiray Askareynta Carruurta
Talaado, Agoosto 19, 2014 (HOL) :- Wafdi ballaaran oo ay hogaamineeysay Leeyla Sorongay oo ah xoghayaha qeybta la dagaalanka askareynta carruurta ee Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ujeedada imaatinkooda ahayd in madaxda maamulka Jubbaland ay kala hadlaan ka hortagga askareyta carruurt aiyo weliba arimo kale oo la xiriira nabadgelyada iyo horumarka deegaanada Jubooyinka.

Wafdigan ayaa waxa sidoo kale qeyb ka ahaa madax sare oo ka socotay Qaramada Midoobay oo ay kamid ahayd kuxigeenka wakiilka qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Faatiha Saruur, waxa ayna xarunta madaxtooyada Kismaayo kulan ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd kula qaateen madaxweeynaha maamulka Jubbaland iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka.

Kulanka ayaa markii uu soo idlaaday waxaa saxaafadda uga warbixisay wasiiradda haweenka iyo arimaha qoyska Jubbaland Marwo Qamar Xaji Deeq, waxa ayna sheegtay in wafdiga ay kawada hadleen arimo ay ka mid yihiin kahortagga askareynta carruurta, arimahaa oo ay sheegtay in ay isla qaateen labada dhinac.

"Wafdiga waxaan ka wada hadalnay sidii looga hortagi lahaa in carruurta loo adeegsado askarinimo, waxaaana ka maamul ahaan aan u cadeynay in aan kasoo horjeedno in carruurta la askareeyo," ayuu wasiiraddu hadalkeeda raacisay.

Dalka Soomaaliya oo mudo aad u fog kusoo jiray dowlad la'aan ayaa waxaa la sheegaa in  carruurta yar yar ee aan qaangaarin loo adeegsado askarino halkii ay wax ka baran lahaayeen, arintaasoo keeni karta in dalku uu kusii jiro dhibaatooyinkii burburka iyo dowlad la'aanta ee uu hore dalku usoo maray.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya