4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 19, 2014
DAAWO SAWIRRO: Howlgalka Ciidanka Maamulka Gobolka Hiiraan & AMISOM


Talaado, Ogoosto 19, 2014 (HOL) — Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa  AMISOM oo uu horkacayo guddoomiyaha maamulka gobolka C/fitaax Xassan Afrax ayaa saacadihii ugu danbeeyay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaannada dhaca galbeedka magaalada Beledweyne.

Howlgaladan oo qeyb ka ah qorshaha la doonayo in lagu furo degmooyinka ay go’doomiyeen Al-shabaab ayaa ku sii fidaya dhul ballaaran oo ay horay u maamuli jireen xoogagga Al-shabaab, ma jiraan iska horimaadyo ka dhashay is ballaarinta ciidamada oo ka dhacay deegaannada ilaa iyo hadda lala wareegay.

C/fitaax Xassan Afrax guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo qeyb ka ah howlgalada socda ayaa HOL u sheegay in dhawaan la furi doono dhamaan jidadka galla degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan oo horaantii sanadkan lagala wareegay Al-shabaab.

“Howlgalladan socda waa kuwa saameyn doona deegaannada ay Al-shabaab ka joogaan gobolka oo idil, gaar ahaan degmada Buula-burte oo in mudo ah go’doon ugu jirta Al-shabaab, waxaan rajeynayaa dhawaan in dhulka  gaargaar  lagu gaarsiin doono dadka dhibaateysan ee ku dhaqan degmada,’’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha C/llaahi Goodax Barre oo howlgalladan ka hadlay ayaa sheegay in ay yihiin kuwo lagu furayo degmooyinka go’doonsan, si dowladda u gaarsiiso gargaarka ay u baahan yihiin dadka ay saameynta ay ku yeesheen abaaraha.

Ugu danbeyntii , Inkastoo ay jiraan howlgaladan iyo dhaq-dhaqaaqyada militari oo ay waddaan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa AMISOM dhinaca kale Al-shabaab waxaa ay koontaroolaa deegaanno ku teedsan wadada laamiga ah ee ka timaada dhinaca degmada Buula-burte oo mudo dheer aysan isticmaalin gadiidka xamuulka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne Soomaaliya