4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 19, 2014
Baarlamaanka oo taageeray barnaamijka ay Xukuumaddu ku dhigayso Hubka


Talaado, Ogoosto 19, 2014 (HOL) — Guddiga joogtada ah ee baarlamanka Soomaaliya oo 17-kii bishan ka dhageystay xukuumadda Soomaaliya warbixin ku saabsan howl-gallada xakameynta hubka iyo siyaasadda ay u dejisay, uuna goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaaraha Somalia, ayuu guddigu warbixin kasoo saaray maanta qorshaha xakameynta hubka sharci-darrada ah.

Kulan gaar ah oo uu guddigu yeeshay shalay ayay si aad ah ugu falanqeeyeen warbixinta xukuumadda Somalia, ayay mabda’ ahaan u ayideen in la xakameeyo hubka, ayna ka mid tahay waajibaadka uu golaha baarlmaanku u xilsaartay xukuumadda.

Guddigu ayaa sheegay in xukuumaddu ay awood buuxda u leedahay suggida amniga sida uu qabo qodobka 99-aad ee dastuurka Soomaaliya faqradiisa F. iyadoo guddigu hoosta ka xariiqay waajibka saaran xukuumadda iyo amniga shacabka sida uu qabo qodobka 126-aad faqraddiisa koowaad oo oranaya.

“Xukuumadda waxay damaanad-qaadaysaa nabadgalyada, gobanimada, amniga Qaranka Soomaaliyeed iyo badbaadinta shacabka, iyadoo la adeegsanayo ciidammada amniga.”

Sidoo kale, gudigu wuxuu soo jeediyay in xukuumadu hubiso la xisaabtanka laamaha amniga, iyadoo xaqiijinaysa sarreynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dadweynaha - si waafaqsan faritaanka dastuurka ee qeexaya inay hay’adaha rayidka ah kormeeraan hay’adaha amniga ee hubka sita sida uu qabo qodobka 126-aad ee dastuurka dalka faqraddiisa lixaad.

Guddiga wuxuu xusay inuu xukuumadda xusuusinayo in dastuurka dalka si adag u xaqiijiyay xurmada guryaha, iyadoo uu si cad ugu qeexayo qodobka 19-aad ee dastuurka faqraddiisa koowaad oo oranaya.

“Qofna gurigiisa ama meeshii kale ee isaga u gaar ah la geli karin, la baari karin, lana basaasi karin amar garsoore oo sababaysan la’aantiis.” Sidaas awgeed, wuxuu guddigu ku talinayaa in howlgalada xakameynta hubka ay iska kaashadaan laamaha amniga, xafiiska xeer ilaaliyaha guud iyo laamaha garsoorka dalka.

Warbixint ayaa lagu sheegay in guddigu u soo jeedinayaa xukuumadda inay dalka oo dhan ku baahiso fulinta siyaasaddeeda xakameynta hubka iyadoo u maraysa dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.

“Si ay u suurtogasho in siyaasadda xukuumaddu loogu rogo sharci dalka u yaalla, wuxuu guddiga joogta ah u soo jeedinayaa xukuumadda inay si deg-deg ah u soo gudbiso hindise sharci ah oo ku saabsan xakameynta hubka,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga.

Guddigu waxay kaloo warbixinta ku sheegeen in si loo xaqiijiyo ilaalinta xorriyadda saxaafadda si waafaqsan qodobka 18-aad ee dastuurka ay u soo jeedinayaan xukuumadda inay deg-deg ah ugu soo gudbiso baarlamaanka hindise sharci ah oo lagu maareeyo warbaahinta dalka.

“Dhammaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa amniga waa in tababarro ku saabsan arrimaha xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta xasaanadda la siiyaa, amar adagna lagu siiyo inaysan ku xad-gudbin xuquuqda aadanaha, hantida muwaadiniinta iyo dadka kale ee dalka deggen, sida uu faraayo qodobka 127-aad ee dastuurka dalka faqraddiisa F iyo xurmaynta xasaanadda xildhibaannada,” ayaa mar kale warbixinta lagu sheegay.

Ugu dambayn, guddoonka baarlamaanka iyo guddiga joogtada ah ee golaha shacabka waxay dhamaan xildhibaannada Qaranka ka codsadeen inay gacan ku siiyaan ciidammada amniga gudashada waajibaadkooda Qaran.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya