4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 19, 2014
Hoggaamiye ka Tirsanaa Burcadbadeedda Soomaaliya oo lagu xiray Muqdisho

Talaado, Ogoosto 19, 2014 (HOL) — Sarkaal ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada amnigu ay Muqdisho ku xireen hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxaha bur-cadbadeedda Soomaaliya.

Maxamed Xasan oo ka tirsan saraakiisha booliiska Somalia ayaa sheegtay in sarkaalka la xiray lagu magacaabo, Maxamed Garfanji, isagoo intaa ku daray inuu ahaa ruuxa hoggaamiyaha labaad ee shabakadda burcadbdeedda.

“Hoggaamiyahan waxaa la xiray Axaddii isagoo qorsheynayay in loo haysto hub uu si sharci-darro ah ku haystay iyo arrimo kale oo la xiriira falalka bur-cadbadeednimada,” ayuu yiri Cap. Maxamed Xasan.

Garfanji ayaa noqonaya hoggaamiyihii labaad oo ka tirsan burcadbdeedda Soomaaliya oo la xiro, iyadoo sannadkii hore ay dowladda Belgium dalkeeda ku xirtay, Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne) oo ahaa hoggaamiyihii kooxaha burcadbadeedda ah ee Soomaaliya, balse sheegay xilli dambe inuu ka baxay howlaha burcadbadeednimada.

Xariga hoggaamiyahan ka tirsan burcadbadeedda ayaa imaanaya iyadoo ay ciidamada amniga Somalia ka wadaan Muqdisho olole hubka aan sharciga ahayn lagu dhigayo.

Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya ayaa la sheegaa in kumannaan qori oo sharci-darro ah lagu haysto, iyadoo xukuumadduna ay isku dayayso inay hubka shacabku haysto kusoo wareejiso gacanteeda.

Burcadbadeedda Soomaaliya ayaa u muuqatay sannadihii lasoo dhaafay inay laciifayeen, kaddib sannado badan oo ay ahaayeen khatar weyn oo xitaa ay maraakiibta caalamiga ah ka mari-waayeen biyaha Soomaaliya iyo kuwa ku dhow.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya