4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 19, 2014
Xubno ay ciidanka Itoobiya ku xireen Baydhabo oo Xorriyaddoodii dib u helay

Talaado, Ogoosto 19, 2014 (HOL) — Xubno ay dhawaan ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ku xireen magaalada Baydhabo ee gobolka Bay laba casho ka hor ayaa maanta dib xorriyadoodii u helay.

Saddex ruux ayay ahaayeen xubnahan la xiray waxayna kala yihiin; Axmed Jire Warfaa oo ah guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka maamulka lixda gobol ka kooban ee Koonfur-galbeed, Ugaas Cali Buule iyo Ugaas Maxamed Xasan.

Nabaddoonnadan iyo siyaasiga oo ka yimid Kismaayo ayaa waxaa laba casho ka hor kala baxay hoteel Sydney oo ay deggenaayeen Ciidmada Itoobiya, waxaana la socday xilligaas ciidammo Somaali ah.

Sii-daysmada xubnahan ayaa waxaa gacan ka geystay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Madoobe Nuunow iyo Xasan Shure Maxamuud oo ka mid ah nabaddoonada gobolka Bay, iyagoo xarigooda kala hadlay ciidanka AMISOM ee Baydhabo ku sugan.

Degmada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasoo u yimid dhisaan maamul saddex gobol ka kooban, taasoo ay ka biyo-diidsan yihiin xubnaha maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban.

Hiiraan Online, Baydhabo