4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 19, 2014
Kooxo Hubeysan oo Xalay Weeraray Saldhig Booliis oo ku yaalla Dalka Kenya

Talaado, Ogoosto 19, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay weeraray saldhig booliis oo lagu magacaabo Bodhai, iyagoo gubay gaari ay booliisku lahaayeen, kaddibna ka baxsaday goobta.

Sarkaasha booliska oo ku jira howlgallo ay ku baadi-goobayaan kooxihii ka dambeeyay weerarkan ayaa warbaahinta u sheegay in dableydu ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Dhiig daadsan ayaa lagu arkay saldhigga, taasoo muujinaysa in dhaawac uu jiro, laakiinse saraakiisha booliiska ayaa sheegay inay wadaan baaritaannadii ay ku ogaanayaan sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay weerarka.

Guddoomiyaha degmada Gaarisa, Harun Khator ayaa sheegay inaysan weli helin wax warbixinno ah oo ku saabsan weerarkan, isagoo xusay in kooxihii weerarka soo qaaday aan cidna laga qaban.

Saldhigga la weeraray ee Bodhai ayaa ku yaalla deegaanka Ijaara oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, taasoo ka tirsan degmada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn kooxaha weerarka geystay ayaa haddana saraakiil ka tirsan booliiska waxay sheegeen inay u maleynayaan kooxo ka mid ah kuwii saddexdii bilood ee ugu dambeeyay weerarrada ka geysanayay gudaha Kenya.

Xaaladda deegaankii xalay la weeraray ayaa weli kacsan, iyadoo xubnaha u hadlay booliiska ay sheegeen inay iyagu ku sugan yihiin deegaanka oo aysan jirin khatar weyn.

Sidoo kale, qaar ka mid ah saraakiisha Kenya ayaa sheegay in kooxahan ay ahaayeen laba ruux oo dhalashadoodu tahay Tanzania oo ka baxsaday xabsi ay ku xirnaayeen oo ku yaalla deegaanka Kiunga, halkaasoo muddo ay ku ahaayeen maxaabiis.

Labadan ruux ee Tanzanian-ka ah ayaa la sheegay inay ahaayeen qof dumar ah iyo mid rag ah, kuwaasoo la xiray, xilli ay isku dayayeen inay ka gudbaan xuduudda labada dal si ay ugu biiraan Al-shabaab.

“Waxay tuhmanayaashan baxsadeen xilli booliisku qorsheynayay inay kasii daayaan xabsiga,” ayaa laga soo xigtay mid ka mid ah saraakiisha Kiunga oo aan is-magacaabin.

Dalka Kenya ayaa waxaa tan iyo markii ay ciidamadooda u soo direen dalka Soomaaliya ka dhacayay weerarro is-daba-joog ah oo uu dhiig fara badan ku daatay, kuwaasoo intooda badan ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya