4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 19, 2014
Maxkamadda Ciidanka Puntland oo Maanta xukunno ku ridday eedeysanayaal


Talaado, Ogoosto 19, 2014 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridey eedaysaneyaal loo soo qabtay dambiyo isugu jirey dil iyo in ay xubno ka yihiin Ururka Al-shabaab.

Dadka maanta maxkamadda la horkeenay oo dhammaantood ahaa rag tiradooduna ay lix qof ahayd, waxay isugu jireen shan qof oo rayid ah oo lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo askari ka tirsan ciidamada asluubta oo toddobaad kahor magaalada Boosaaso dil ka geystey.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobollada Bari, Karkaar, Gardafuu, Haylaan iyo Sanaag C/fataax Xaaji Aadan ayaa xukunka ku dhawaaqay, wuxuuna sheegay in shantan eedeysane ee hoos ku xusan oo horay loogu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab baaritaan dheer kaddib wax dambi ah lagu waayey.

1. Mukhtaar Xasan Aadan oo 58-jir ah
2. Wiirow Ibraahim Cali oo 37-jir ah
3. Yuusuf Bariise Maxamed oo 58-jir ah
4. Macallin Salaad Nuur oo 38-jir ah
5. Isaaq Cali Isaaq oo 60-jir ah

Dhan kale, waxay maanta maxkamadda ciidamadu xukun dil ah ku ridey askari ka tirsan ciidamada asluubta ee Puntland oo toddobaad kahor nin rayid ahaa ku diley bartanka magaalada Boosaaso.

Askarigaas oo lagu magacaabo Dable Axmed Cali Ceegaag waxaa markii uu dambigaas maxkamadda horteeda ka qirtay lana dhegeystey qiraalka markhaatiyaasha iyo xeer ilaalinta lagu xukumay dil toogasho ah.

Shanta qof ee ay maanta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland dib xorriyadooda ugu soo celisey waxay xirnaayeen muddo lix bilood ah, waxayna sheegeen inay si aad ah ugu faraxsan yihiin in muddo dheer kaddib dib xorriyaddooda ay maanta u heleen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya