4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 19, 2014
Tababar lagu Xoojinayo Xuquuqda Haweenka oo Maanta ka Furmay Muqdisho


Talaado, Ogoosto 19, 2014 (HOL) — Tababar lagu xoojinayo Haweenka iyo xuquuqda aadanaha ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qayb-galeen illaa 100 dumar ah oo ka kala socday 20 ururro haween ah oo ka dhisan Muqdisho.

Tababarkan oo ay soo qaban-qaabisay hey'adda CED ayaa soconaya saddex maalmood, waana tababarkii u horreeyay noociisa oo muddo ay hay'addu soo qabanqaabiso, iyadoo muddada uu soconayo lagu baranayo arrimaha xuquuqda haweenka, doorka haweenka kaga aaddan bulshada, dowlad-wanaaga, waxbarashada iyo arrimo kale.

Hinda Axmed Faarax oo ka socotay ururka SSWC oo furitaankii tababarkan ka hadashay ayaa sheegtay in xuquuqda haweenka ay karaameysay Diinta Islaamka, isla markaana loo baahan yahay in wixii xuquuq ah oo ay leeyihiin haweenka la siiyo.

“Xuquuqda Haweenka diinta Islaamka ayay ku caddahay, balse waxaa hadda jira in dhaqanka uu hortaagan yahay haweenka xuquuqdooda, haweenka iyagaa maamula guriga, doorkoodana waa cad yahay," ayay Hinda Axmed tiri.

Sidoo kale, Cumar Cabdi Aadan oo ka socday ururka COGWO ayaa sheegay in tababarkan lagu xoojinayo haweenka muddo dheer qorshaheeda lasoo waday, sidii ururrada haweenka looga dhisi lahaa dhan walba, isagoo ku amaanay hay'adda CED inay kaalin weyn ka qaadatay doorka haweenka ku leeyihiin bulshada.

Waxaa iyadana goobta ka hadashay, Shariifo Caddow oo ka mid ah madaxda ururrada haweenka Soomaaliyeed, iyadoo ugu baaqday CED in tababarrada noocaan oo kale ah ay ku baahiso gobolada dalka oo dhan, waxayna sidoo kale ugu baaqday ka qayb-galayaasha inay wixii ay tababarka ku qaataan ay gaarsiiyaan bulshada inteeda kale.

Agaasimaha hay’adda CED, Inj. C/llaahi Cali Xasan oo isaguna furitaankii ka hadlay ayaa u mahad-celiyay kasoo qayb-galayaasha, isagoo barnaamijkan ku tilmaamay mid muhiimad gaar ah u leh haweenka Soomaaliyeed.

“Barnaamijkan waa mid muhiimad u leh haweenka, wuxuuna isugu jiraa dhowr qaybood, kaalinta waxbarasho haweenka, dowlad-wanaagga, awood siinta haweenka iyo xuquuqdooda. Intaas oo dhan waxay keeni doonaan in haweenku ay gaaraan yoolka ay higsanayaan," ayuu Agaasimaha CED ku yiri hadalkiisa.

Wuxuu intaas ku daray. “Waxbarashada haweenka waa mid aanu siinayno muhiimadda koowaad, in la awoodsiiyo, xuquuqdooda helaan, hohgaaminta ka qaybgalaan - gaar ahaan siyaasada iyo shaqada sida wasaaradaha iyo hay’adaha dalka.” isagoo sharraxaad ka bixiyay muhiimada uu tababarkan u leeyahay haweenka ayuu xusay inuu yahay mid ay uga doodayaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda oo dhan.

Inj. C/llaahi Cali Xasan oo ka hadlayay waxyaabaha ay hay'adda CED dalka ka qabatay kaddib bur-burkii dowladdii dhexe ayuu sheegay inay aad u fara badan yihiin, wuxuuna xusay inay ka mid yihiin; samata bixinta shacabkii ay dhibaatada gaartay, sida aafooyinka abaaraha oo uu xusay inay gurmad ay la gaareen sannadkii 2006-dii fatahaadihii webiga Shabeelle, isla markaana tuulooyin go'doonsanaa ay gargaar ku gaarsiiyeen doomo.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in wada-shaqeyn dhow ay la yeelan doonaan ururrada haweenka ee ka jira gobolka Banaadir, kuwaasoo uu xusay inay ka mid noqon doonaan tababaro kuwan la mid ah oo ay siinayaan ururradaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya