4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 19, 2014
Booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho oo xusuus ku reebtay Soomaaliya


Talaado, Ogoosto 19, 2014 (HOL) — Maanta oo ah 19-ka Ogoosto waxay ku beegan tahay markii uu ra’iisul wasaarihii hore ee Turkiga oo haatan madaxweyne loo doortay, Recep Tayyip Erdoğan booqasho taariikhi ah ku yimid magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, iyadoo ay booqashadaas kasoo wareegtay muddo saddex sano ah.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa xukuumadda iyo shacabka Turkiga ku sheegay saaxiibo dhab ah oo ay Soomaaliya leedahay, iyadoo madaxda Somalia ay iyaguna qireen in Turkigu ay si hagar la’aan ah u kaalmeeyaan Soomaaliya.

Erdoğan ayaa yimid Muqdisho 19-kii Ogoosto 2011-kii, xilligaasoo ay Somalia ka jireen abaaro sababay macluul ay u dhinteen dad badan, kuwo kalena ku qasbay in deegaannadii ay ku noolaayeen ay kazoo barakaceen, kuwaasoo u badan Koonfurta Soomaaliya.

Booqashadan taariikhiga ah ayaa waxay albaabbada u furtay in caalamku uu dib u soo eego Somalia oo ay ka jirtay xaalad bani’aadamnimo oo aad u adag, taasoo malaayiin Soomaali ah ku yeelatay saameyn xoog leh.

Mudane Erdoğan ayaa imaashihiisa Muqdisho waxaa ku wehlinayay xubno qoyskiisa ka tirsan oo ay ku jirtay xaaskiisa, Emine Gülbaran, wasiirro, ganacsato iyo xubno kale si ay ugu kuur-galaan dhibaatadii ka jirtay dalka.

Recep Erdoğan iyo wafdigiisa oo ay keentay diyaaradda Turkish Airlines ayaa saacadihii ay ku sugnaayeen Muqdisho waxay booqdeen xeryo ay ku jireen shacab kasoo barakacay deegaannada ay abaaruhu ka jireen, kuwaasoo ay ka muuqdeen dhibaatooyin nololeed oo aad u daran, waxaana xeryahaas ka mid ah Badaado oo ay ku jireen inta badan dadkii ay abaaruhu soo barakaciyeen, waxaana isaga iyo xaaskiisa ay kor u qaadayeen carruurtii ay dhaleen qoysaskaas, si ay ugu muujiyaan inay ka xun yihiin dhibaatada haysata.

Erayadii Erdoğan uu ka yiri Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa: “Booqashadeydan waxay muujinaysaa in Soomaaliya aysan ka jirin khatar weyn oo laga baqo, waxaana xaqiijinayaa in hay’adaheennu ay caawin doonaan shacabka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, wuxuu yiri. “Waxaan dunida ka codsanayaa inay dib u soo eegaan dhibaatada ka jirta Somalia, ayna caawiyaan dadka ay abaaruhu ku habsadeen.” iyadoo markiiba ay soo gaareen Muqdisho hay'ado Turki ah oo caawiya shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale gargaar tayo iyo tiro ahaan aan Soomaaliya imaan intii burburku jiray.

Maalmo ka hor ayaa magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu taageerayay Erdoğan oo loo doortay madaxweynaha dalka Turkiga bishan gudaheeda, iyadoo ay soo agaasintay xafladdaas wasaaradda haweenka iyo xuquuqul aadanaha, ayna ka qaybgaleen xubno isugu jiray, wasiirro xildhibaanno iyo dadweyne kale oo lagu casuuumay.

Doorashada Erdoğan loo doortay madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweeyay madaxda dowladda Soomaaliya, iyagoo xusay inay ka rajeynayaan Erdoğan inuu sii xoojiyo taageeradiisa shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Hay’adaha dowladda Turkiga ee ka howlgala Muqdisho ayaa waxay dalka ka billaabeen gargaarkii bani’aadamnimo kaddib dib u dhis, waxayna dhiseen laamiyadii burbursanaa qaarkood, isbitaalka Digfeer iyo goobo kale oo fara badan.

Xukuumadda Turkiga ayaa sidoo kale ku dhiirratay in Soomaaliya markii ugu horreysay colaadihii mudda fog socday kaddib ay duulimaadyo caalami ah ka billowdo diyaaradda Turkish Airlines, sidoo kalena ay furtaan safaarad, arday Soomaaliyeedna ay u dalkooda ugu qaadaan waxbarasho jaamacadeed.

Erdoğan ayaa sheegay intii uu ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga inuu qorsheynayo inuu mar kale booqdo Soomaaliya, inkastoo aan la ogeyn xilliga ay booqashadiisan kusoo beegmi doonto, waxaana weli Muqdisho iyo gobollo dalka ka mid ah ku sugan shaqaale Turki ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya