4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 19, 2014
Golaha odayaasha gobolka Hiiraan oo baaq u diray Madaxda sare ee Dowlada

Talaado, Ogoosto 19, 2014 (HOL) — Kulammo kala duwan oo ay yeesheen siyaasiyiintii dhawaan gaartay magaalada Beledweyne iyo gollaha wakiilada odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan  ee ka kooban 63-da xubnood ayaa looga wadda hadllay siyaasada guud ahaan dalka ee waqtigan, gaar ahaan arrimaha la xiriira dhismaha maamul gobolleedyada iyo hergalinta nidaamka federaalka.

Golaha wakiilada odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa bayaan uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha gollaha waxaa ay ku sheegeen in marnaba aysan caqabad ku aheyn dhinacooda hergalinta nidaamka federaalka ee dalka laga dhaqan-galinayo, laakiin loo baahan yahay in nidaamkaas loo maro hab cadaalad iyo sinaan ku dheehan.

Xubnaha siyaasiyiinta ah ee ku sugan magaalada Beledweyne oo ay ka mid yihiin xildhibaanno hore,waxaa horkacaya siyaasiga Ibraahim Xabeeb Nuur oo HOL u sheegay in kulamada watashiga ah sii socon doonaan.

Hadaaba halkan hoose ka akhriso bayaanka ay soo saareen Golaha Wakiilka Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan:


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya