4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 19, 2014
GOODAX: "Waddooyinka u Xiran Al-shabaab si Awood ah ayaa lagu Furayaa"


Talaado, Ogoosto 19, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay xoog ku furayaan waddooyinka u xiran Al-shabaab.

C/llaahi Goodax ayaa sheegay in howlgaladaasi ay bilaabanayaan maanta laga billlaabayo gobollada Hiiraan, Bay, Bakool iyo Gedo oo deegaanno laga qabsaday Al-shabaab ay ku yaallaan, kuwaasoo weli go’doon ugu jira.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in waddooyinkaas ujeedka loo furayo ay tahay sidii shacabkaa ku nool loo gaarsiin lahaa gargaarka bani’aadamnimo ee ay u baahan yihiin, maadaama deegaannada qaarkood ay abaaro ba’an ka jiraan.

“Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya, waxay diyaar u yihiin in shacabka ay dhibaatada ka dul-qaadaan. Xoog ayaa waddooyinka xiran oo dhan lagu furayaa,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed ee deegaannadaas ku nool looga baahan yahay inay muddo yar dulqaataan, wuxuuna xusay in dowladda ay ka go’an tahay inay culeyska ka qaaddo.

Al-shabaab oo sannadihii lasoo dhaafay ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya kala wareegeen deegaanno badan, ayay weli ku hayaan deegaannadaas go’doomin, iyadoo aysan deegaannadaas qaar ka mid ah xitaa geli karin raashinka ganacsiga ah.

Xayiraaddan ayay Al-shabaab ku sheegtay inay yihiin kuwo ay ku doonayso in ciidamada deegaannadaas ku sugan aysan helin wax raashin ah, si ay uga baxaan, balse ciidamada ayaa raashinka loogu geeyaa diyaarado yar-yar.

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa imanaya xilli ay xukuumadda Soomaaliya dhawaan baaq ku aaddan in jidadka weli u xiran Al-shabaab la furo ay u dirtay AMISOM, iyadoo saraakiisha AMISOM ay sheegeen inay fulinayaan codsigaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya