4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 18, 2014
Hay’adda Zamzam oo Marti-gelisay Shir looga tashanayay samafalka Somalia


Isniin, Ogoosto 18, 2014 (HOL) — Shir gogol-xaar u ah shirweynaha samafalka caalamka oo lagu qaban doono Istanbuul ee dalka Turkig sanadka 2016-ka oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Zamzam Foundation oo kaashanaysa hay’adaha OIC, Humanitarian Forum iyo UN-OCHA ayaa waxaa maanta lagu qabtay Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdishu, iyadoo ay kasoo qayb-galeen hay’ado maxalli ah iyo kuwo caalami ah.

Shirkan waxaa lagu falan-qeynayay arrimo badan oo quseeyo samafalka Somalia iyo sidii loo hormarin lahaa iyo sidoo kale in lala yimaado fikrado cusub oo wax ku ool ah oo kor loogu qaadayo tayada howlaha samafalka iyo gargaarka Soomaaliya.

Qodobbada kasoo baxo shirkan ayaa waxa la filayaa inay qayb ka noqdaan ajandaha shir-weynaha samafalka caalamiga ah ee lagu qabanayo magaalada istanbuul ee dalka Turkiga sannadka 2016-ka.

Agaasimaha hay’adda Zamzam Foundation, Shuceyb Cabduladiif oo ka hadlay furitaankii kulanka ayaa sharraxay ahmiyadda shirkan uu u leeyahay howlaha samafalka Soomaaliya; iyadoo la rabo in codka bahda samafalka maxalliga ah uu gaaro beesha caalamka.

“Labada sano ee socoda 2015 iyo 2016, waxaa jiri doona shirar caalami ah oo looga hadli doono howlaha samafalka iyo gargaarka bani’aadamnimada, waxaana looga baahan yahay Soomaaliya inay si wanaagsan u faa’iideysato oo aan la nimaadno fikrado cusub oo lagu hormarinayo samafalka dalkeena, isla markaana codkeena aanu gaarsiino beesha caalamka. Iyadoo shirarkaas oo laba ah ay ka dhici doonaan magaalada Istanbuul ee Turkiga iyo Geneva ee Switzerland,” ayuu yiri agaasimaha Zamzam.

Sidoo kale, Shuceyb ayaa sheegay in Somalia ay kusoo laalaabteen abaaro sannadihii ugu dambeeyay, waxaana loo baahan yahay sidii looga gudbi lahaa abaarahan is-daba-joogga ah oo loola imaan lahaa fikrado wax ku ool ah.

“Abaaraha Soomaaliya waxay noqdeen kuwo is-daba-joog ah oo marar kala duwan soo laabtay, iyadoo sababta kulankan maanta loo qabtay ay tahay in la helo ajande dhab ah oo looga gudbi karo abaaraha soo laalaabtay iyo in la curiyo fikrado wax ku ool ah oo lagu hormariyo guud ahaan howlaha samafalka,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Siciid Cabdullaahi Dani oo kulanka furay ayaa sheegay in dowladdu ay ka rajeynayso shirkan in ay kasoo baxaan qodobbo wax ku ool u ah, isla markaana wax looga qabanayo dhibaatada bani’aadamnimo ee dalka ka jira.

“Rajada ugu weyn ee dowladda waa in kulankan ay kasoo baxaan qodobbo wax looga qaban karo xaaladaha bani’aadamnimo ee dalka ka jira, kuwaas oo sannado badan si is-daba-joog ah u soo laalaabanayay,” ayuu yiri Dani oo u rajeeyay ka qayb-galayaasha shirkan wada-tashi inay fikirro saliim ah kula yimaadaan.

Maxamed Iidle Sabriye oo ah mas’uul ka socday ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo isna furitaankii kulanka ka hadlay ayaa xusay in arrinta keliya ee loo baahan yahay ay tahay in laga fekero in dhibaatooyinka bani’aadamnimo aysan soo laa-laaban, intii mar walba lala tacaali lahaa.

Axmed Faarax Rooble oo isna ka socday UN-OCHA oo hadal jeediyay ayaa ka qayb-galayaasha siminaarka kula taliyay inay diiradda saaraan sidii Somalia ay uga bixi lahayd dhibaatooyinka bani’aadamnimo. Sidoo kale mas’uulka ka socday UN-OCHA ayaa u soo bandhigay ka qayb-galayaasha Presentation uu ku sharraxayay ahmiyadda iyo ujeeddooyinka shirka samafalka caalamiga ah.

Ugu dambeyn, waxaa hadlay, Dr. Hany Al-banna oo ka socday ururka isu-tagga hay’adaha samafalka “The Humanitarian Forum” isagoo xusay in loo baahan yahay in kulanka laga soo saaro qodobbo muhiim ah oo dhibaatada bani’aadamnimo ee Soomaaliya ka jirta looga bixi karo, isagoo sheegay in hay’adaha maxalliga ah ay yihiin kuwa laga doonayo inay howshan qabtaan.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo lagu qabto Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyiintii shirkan ka hadlay ay sheegeen inuu yahay mid gogol-xaar u ah shirarka samafalka ee caalamiga ee lagu qaban doono Geneva iyo Istanbul, iyadoo tibaaxay in shirkan oo kale lagu soo qabtay dalal badan oo dunida ah, isla markaana dalal kale loo balansan yahay in lagu qabto ka hor shirwaynaha samafalka caalamiga ah la dhici doona sannadka 2016-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya