4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 18, 2014
Ergayga Qaramada Midoobay oo Socdaalkii labaad maanta ku yimid Hargeysa


Isniin, Ogoosto 18, 2014 (HOL) — Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaliya, Nicholas Kay ayaa saaka soo gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, wuxuuna ballan-qaaday in la kodhin doono taageerada Qaramada Midoobay. 

Wafdiga Kay waxaa garoonka diyaaradaha ee Egal kusoo dhaweeyay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, waxaana ergaygu uu kasoo dhoofay Garoowe oo labadii casho ee lasoo dhaafay ku sugnaa.

“Farxad ayay ii tahay inaan mar kale imaado Somaliland, waxaanan si nabad ah uga soo kicitimay Garoowe, maantana Hargeysa ayaan joogaa, waxaa ii qorsheysan inaan la kulmo madaxweye Siilaanyo iyo wasiiro xukuumaddiisa ka tirsan. Sidoo kale waxa ay ii tahay fursad aan kula kulmo oo aan ku arko guud ahaan shaqaalaha iyo shaqada Qaramada Midoobay ay Somaliland ka waddo,” ayuu yiri Key oo ka hadlayay ujeeddada socdaalkiisa.

Danjiraha ayaa inta uu joogo Somaliland wuxuu la kulmi doonaa marka laga soo tago madaxweyne Siilaanyo, wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Dr. Sacad Cali Shire, kuwaasoo ay kawada hadli doonaan fursadaha lagu kordhin karo wax-qabadka Qaramada Midoobay ee Somaliland, gaar ahaan nabadda iyo horumarinta. 

“Sannadihii ugu dambeeyay, Somaliland waxay ku tallaabsatay horumar weyn, kaasoo xukuumadda iyo shacabkeeduba ay mudan yihiin in lagu amaano. Waxaan ka mahad-celinayaa booqashadan si aan u darso qaabka aan u xoojin karno wada-shaqaynta ka dhexeyso UNSOM iyo Somaliland, taasoo dan u ah dadka,” ayuu hadalkiisa ku daray Kay.  

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland, Mawliid Maxamed Ibraahin ayaa isna dhankiisa sheegay inay tahay markii labaad oo Kay uu yimaado Somaliland sanad iyo bil kaddib.

“Waxaanu soo dhaweynaynaa Nicholas Kay oo ah u qaybsanaha Somaliland iyo Somalia ee Qaramada Midoobay. Waa markii labaad ee uu Hargeysa yimaado muddo sanad iyo bil ah. Sidaad og-tihiin xafiiska UNSOM  wuxuu u qaybsamaa laba qaybood oo kala ah mid siyaasadeed iyo bani’aadanimada ka shaqeeya, innagu mar walba waynu ka tirsannahay xafiisyadan Hargeysa ee uu isagu maamulo, markaa dhinaca aynu sida xooggaha uga wada-shaqayno waxa weeye dhinaca arrimaha bani’aadanimada,” ayuu yiri Mowliid.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay in xafiiska UNSOM qaybtiisa siyaasadda aanu ka shaqayn doonin Somaliland, balse kan bani’aadanimadda ay ogol yihiin inuu dalka ka shaqeeyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland