4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 18, 2014
Mudaharaad looga Horjeedo Odayaal la Xiray oo ka dhacay Magaalada Burco


Isniin, Ogoosto 18, 2014 (HOL) — Mudaaharaad balaadhan oo horjeedo odayaal xalay lagu xiray magaalada Burco ayaa maanta ka dhacay magaaladaas oo xarun u ah gobolka Togdheer.

Dadweyne cadhaysan ayaa kala xidhay wadooyinkii, isla markaana Taayiro ku gubay ka dib markii ay ka cadhoodeen odayaal loo xidhay khilaaf dhul oo ay isku hayaan laba beelood oo wadda dega miyiga gobolka Togdheer.

Mudaharaadkan ayaa waxa joojiyey ciidamada amniga oo xoog ku kala dareeriey dadweynihii cadhaysna, taas oo la sheegay in illaa hadda wax dhibaato ahi ka dhicin.

Si kastaba ha ahaatee, Rabshadahan ayaa ka dhashay ka dib markii muran xaga dhulka ahi soo kala dhexgallay laba beelood oo wadda dega gobolka Togdheer, waxaana hore soo xalisteedda u tagay xubno wasiiro ah kuwaas oo go’aamo ka soo saaray, balse waxa go’aamadaasi diiday beel ka mid ah beelahan taasina waxay keentay in odayaashii xalkaasi diiday la xidho.

Khilaafaadka inta badan ka dhasha xaga dhulka ayaa baryahan dambe ku soo badanaya goboladda bariga, kuwaas oo ay ka dhashaan khasaarooyin naf iyo maalba leh.


Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland