4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 18, 2014
Guddi soo baara weerarkii lagu qaaday guriga Ax'ed Daaci oo la Magacaabay

Isniin, Ogoosto 18, 2014 (HOL) — Xukuumada Soomaaliya ayaa magacowday guddi soo bara weerarkii jimcihii lagu qaaday guri uu deggenaa guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci, iyadoo su’aalo ay arrintan ka weydiiyeen xubnaha joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya wasiirka amniga Qaranka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ra’iisul wasaare C/wali Sheekh iyo guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ayaa goob-joog ka ahaa kulan looga hadlay howlgalladii ay ka fuliyeen ciidamada amniga Muqdisho, waxaana hay’adaha amniga wax laga weydiiyay dareenka ka dhashay howlgalladaas.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka, Mahad Axmed Cawad ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin weerarradaas, wuxuuna ka dalbaday xukuumadda iyo hay’adaha amniga inay jawaab ka bixiyaan wixii dhacay.

Wasiirka Amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in howlgallada amni-sugidda ah ay yihiin kuwa lagu guuleystay, isagoo sheegay in tan iyo markii howlgalladan ay billaabeen ay yaraadeen falalkii ay Al-shabaabku ka geysan jireen Muqdisho, isagoo xusay in bartilmaameedka weerarkii jimcihii aanu ahayn Axmed Daaci, balse xubno Al-shabaab ah lagu raad-joogay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/wali Sheekh Axmed oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay u saareen guddi weerarkaas, waxaanu tilmaamay inay ka bixin doono xukuumaddu arrintaas jawaab cad, isla markaana ay qoraal cad kasoo saari doonaan.

“Dhacdadii 15-kii bishan ka dhacday degmada Wadajir baaristeeda ayaa la wadaa, xukuumaddu guddi ayay u magacawday, sidee wax u dhaceen, yaa ku lug lahaa, maxaa la qaban karay, dhammaan waxyaabahaas ayaa loo xil-saaray guddigan. Xukuumaddu jawaab ayaa lagu leeyahay, wasiirka Amniga waxaa ku adkeynayaa in jawaab uu ka keeno sida wax u dhaceen; uuna ku keeno qoraal ahaan,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Prof. Jawaari oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa xusay in xukuumadda looga fadhiyo in ciidamada amniga ay barto ilaalinta xasaanadda ay leeyihiin xildhibaannada, isagoo xusay inaan marna la aqbaleyn in lagu xad-gudbo xasaanadda uu leeyahay xildhibaanka.

“Waxaa faraynaa xukuumadda inay barto hay’adaha ammaanka xasaanadda uu leeyahay xildhibaanka, haddii uu gurigiisa joogo, haddii jidka uu marayo iyo haddii uu gaari wato. Xildhibaanka wuxuu ka wakiil yahay 50,000 oo qof oo Soomaali ah,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Hay’adaha Amniga ayaa wajahaya dhaliilo iyo cambaareyn uga imaanaya xildhibaannada baarlamaanka iyo odayaasha dhaqanka oo ku aaddan howl-galladii maalmihii lasoo dhaafay ay qaadeen ciidamada amniga, iyadoo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ay ku jireen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya