4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 18, 2014
Dhakhaatiir Jaamacada Banaadir ka bixiyay casharo ku aadan Cudurka Ebola


Isniin, Ogoosto 18, 2014 (HOL) — Dhakhaatiirta Soomaali ah oo ku takhasusay cudurrada faafa ayaa cashar ku saabsan halista cudurka dilaaga ah ee Ebola ka bixiyeen Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Casharradan ayaa waxaa ka qaybgalay dhageysigooda maamulka, macallimiinta, hormuudyada kuliyadaha iyo ardayda wax-ka-barata kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda qaarkood iyo marti sharaf kale.

Waxaa ka hadlay Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo ah hormuudka kuliyada caafimaadka Jaamacadda Banaadir oo sheegay in casharkan uu billow u yahay tababarrada ay jaamacaddu siiso ardaydeeda inta lagu guda jiro xiliga fasaxa ee sanad walba (Summer Seminars).

“Barnaamijkan waxaan ugu talo-galnay in kor loogu qaado aqoonta ardayda kuliyadda caafimaadka, waxaana casharo ka bixin doona aqoon-yahanno nooga yimid gudaha iyo dibadda si aanu ula wadaagno aqoontooda, waxaana ugu baaqayaa ardayda inay ka faa’ideystaan casharrada ku saabsan cudurka Ebola oo dad badan ku dilay dalal ku yaalla Galbeedka Afrika,” ayuu yiri Dr. Biday.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Maadaama dalalka uu cudurkan saameynta xoogan ku yeeshay sida Sierra Leone ay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya, khatar badanna ay halkaas ka imaan karto ayaan u doorannay inaan casharkan kusoo qaadano cudurka Ebola iyo sidii aan isaga wacyi-gelin lahayn.”

Prof. Xasan Xaaji Maxamed Shuuriye iyo Dr. Maxamed Maxamuud Fuje ayaa iyaguna si aad ah uga hadlay halista cudurka Ebola, iyagoo si aad ah ugu dheeraaday halka uu ka yimid cudurkan asal ahaan, sida loo kala qaado, ka hortaggiisa iyo arrimo kale oo cudurkan la xiriira.

Sidoo kale, Prof. Shuuriye ayaa sheegay in cudurkan uu keeno Virus marka uu jirka bani’aadamka galo weerara unugyada muhiimka ah ee jirka qaarkood, kaasoo sababa in qofku uu ugu dambeyn u dhinto dhiig-bax, isagoo xusay in dadka uu cudurkan haleelo ay 90% u dhintaan.

“Cudurkan waxaa la iskugu gudbin karaa qaabka xiriirka (Contact) ama inuu ku gaaro dhiig ama dheecaan ka yimid qof qaba cudurkan ama inaad taabato jirkiisa ama meel uu laga heli karo dheecaan ama dhiig jirkiisa ka yimid, marka qofku cudurku uu ku dhaco waxaa jirkiisa ka soo yaacaya dhiig dareeraya,” ayuu yiri dhakhtarku.

Wuxuuna intaas ku daray. “Firuska keena cudurkan waxaa la ogaa illaa 1979-kii, isagoo markii ugu horreysay lagu arkay labo dal, gaar ahaan magaalo lagu magacaabo Nazara oo Sudan ka tirsan iyo magaalo lagu magacaabo Yambuko oo saaran webiga lagu magacaabo Ebola oo ah halka uu ka yimid magaca cudurkan loo bixiyay, illaa xiligaasna WHO waxay sameysay dadaal badan laakiin nasiib-darro illaa hadda looma hayo dawo iyo talaal rasmi ah marka laga reebo dawo dhawaan lasoo saaray oo weli tijaabo ku jirta.”

Dhakhtarka ayaa xusay inay jiraan noocyo ka mid ah cudurkan oo ku dhaca xayawaannada qaarkood sida fiidmeerta iyo daanyeerka kuwaas oo uu sheegay in laga cuno qaar ka mid ah dalalka hadda uu cudurkan faraha ba'an ku hayo, wuxuuna intaas raaciyay in marka la daanyeerka ama fiidmeerta la qalayo ay suuro-gal tahay in cudurku uu halkaas uga soo gudbo bani'aadamka.

Waxaa isaguna goobta ka hadlay Dr. Maxamuud Maxamed Cali (Fuje) oo isna sheegay in cudurkan uu walaac weyn ku hayo caalamka illaa hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ay gaarsiisay heer ah in dalalka lagu arko aan laga bixin lana gelin, taasoo uu tilmaamay inay keenayso hoos u dhac ku yimaada dhaqaalaha dalalkaas maadaama la jarayo wixii xiriir ganacsi ah iyo arrimo kaleba ah ee caaalamka uu la lahaa.

“Tusaale waxaa kuugu filan, markii cudurkan uu ka dillaacay dalalka Gini, Sierra Leone, Liberia iyo qaar kale, dowlado badan ayaa joojiyay diyaaradihii dalalkaas tegi jiray; qaar kalena muwaadiniintooda ayay uga digeen inay booqdaan dalalkaas,” ayuu yiri Dr. Fuje oo intaas ku daray in inkastoo Soomaaliya ay ka fog tahay Galbeedka Afrika ay haddana khatar ugu jiri karto cudurkan, maadaama aysan jirin dowlad adag oo koontrooli karta xuduuudaha badda iyo barriga, dhinaca kalena ay joogaan ciidammo ka yimid qaar ka mid ah dalalka uu cudurkan asiibay ee Galbeedka Afrika, isagoo xusay in cudurrada faafa aysan lahayn xuduud.

Intii dhakhaatiirtan ay bixinayeen casharkaas ayaa goobta lagu soo bandhigay filim kooban oo laga soo qaaday dad uu cudurkan aadka u aafeeyay, calaamadaha lagu garto, qaabka loo kala qaado, sida dhakhaatiirta la tacaalaysa dadka cudurkan uu ku dhacay ay uga gaashaaman lahaayeen khatartiisa iyo macluumaad kale oo ku saabsan fayruska dhaliya cudurka Ebola.

Ugu dambeyn, waxaa kulanka khudbad ka jeediyey guddoomiyaha Jaamacada Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo u mahad-celiyay dhakhaaatiirtii halkaas ka bixinaysay casharka ku saabsanaa cudurka dilaaga ah ee Ebola, wuxuuna xusay in casharkan uu kusoo aaday xili muhiim ah oo loo baahnaa in dadku ay wax badan ka ogaadaan Ebola.

“Jaamacadda Banaadir waxaa saaran mas'uuliyad heer Qaran ah oo ku saabsan dhinaca caafimaadka dalka, haddii ay noqon lahayd cilmi-baarista, wacyi-gelinta iyo daryeelka caafimaadka intaba maadaama ay wax ka bartaan ardayda ugu badan dhinaca caafimaadka dalkeena, macallimiinta ugu khibradda badan kana qalin-jebiyeen ardayda ugu badan dhinaca caafimaadka," ayuu yiri Dr. Dalmar.

Guddoomiyaha jaamacadda Banaadir ayaa xusay in sannadkan ay ku soo biiri doonaan jaamacadda kooxdii 14-aad oo billaabaysa kuliyadda caafimaadka, isagoo dhinaca kale xusay inay isla sannadkan ka qalin-jebin doonaan kooxdii toddobaa  isla kuliyadda caafimaadka, waxaana jira ayuu yiri isbitaal weyn oo jaamacaddu dhistay kaasoo xoojin doona barashada caafimaadka bulshada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya