4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 18, 2014
Danjire Nicholas Kay iyo Madaxda dhaqanka ee Puntland oo Maanta Kulmaya


Isniin, Ogoosto 18, 2014 (HOL) —Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliye Nicholas Kay oo shalay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland soo gaarey, ayaa maanta la kulmaya madaxda dhaqanka ee deegaannada Puntland.

Kulanka Kay iyo Isimada oo isla Garoowe ka dhici doona, waxaa la filayaa in layskula soo qaado arrimo badan, waxaase ugu muhiimsan qodobada sida aadka ah diiradda loogu saari doono xiriirka Puntland iyo Federaalka iyo weliba mowqifka ay isimada Puntland arrintaas ka taagan yihiin.

Isimada Puntland ayaa kaalin muhiim ah ka qaata siyaasadda dowladda, go'aankooda ayaana ah mid ay inta badan madaxdu tix geliyaan maadaama ay isimadu yihiin kuwii dhisay Puntland markastana ay soo xulaan xildhibaannada baarlammaanka oo iyaguna sii doorta madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlammaanka.

Tan iyo markii Nicholas Kay loosoo magacaabay wakiilka Ban-ki Moon ee Soomaaliya, wuxuu deegaannada Puntland soo gaaray lix mar, waxaana xusid mudan in Danjire Kay uu kaalin firfircoon ka ciyaaray xal ka gaarista khilaaf soo kala dhex galay  madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole iyo murashaxiintii ka qayb galay doorashadii madaxtinimada ee dhacday horraantii sanadkan 2014.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan kulanka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay iyo madaxda dhaqanka ee Puntland ay maanta Garoowe ku yeelanayaan iyo go'aannada kasoo baxa dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya