4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 18, 2014
Sannad-guuradii 1-aad ee dhismaha Xafiiska UNSOM oo Garoowe lagu xusay

Isniin, Ogoosto 18, 2014 (HOL) —Magaalada Garoowe waxaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayey sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtey markii la dhisay Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee magaciisa loosoo gaabiyo UNSOM.

Xafladda oo ka dhacday xarunta Hay'adaha Qaramada Midoobay ee magaalada Garoowe, waxaa kasoo qayb galay madaxda ugu sarreysa Puntland, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kala duwan oo ka socotey caalamka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa hambalyo ku aadan sanadguurada asaaskii xafiiska UNSOM wuxuu u diray Danj-jire Kay iyo dhammaan shaqaalaha kale ee Qaramada Midoobay ee ku sugan deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Gaas ayaa intaas kaddib sheegay in Puntland ay had iyo jeer u taagan tahay dhismaha qaran Soomaaliyeed iyo xoojinta midnimada dadka Soomaaliyeed "Puntland waxa ay u taagan tahay mar walba midnimada Soomaliya, wada-jirka Soomaliya. Puntland waxay mar walba rabtaa in Soomaliya ay la soo laabato qaranimadeedii iyo jiritaankeedii..."
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Puntland wuxuu tilmaamay in Puntland ay diyaar u tahay inay wadahadal la furto Dowladda Federaalka si khilaafka jira xal looga gaaro haseyeeshee ay jiraan dhinacyo arrintaas caqabad ku ah.

"Nicholas Kay waxa uu noo sheegay in uu rabo in uu dhiso buundo u dhaxaysa Puntland iyo Fadaralka, waxaan leenahay anagu diyaar baanu u nahay in la dhiso buundadaas laakiin cid waxaa jirta iyadu dube u haysata inay buundadaas dumiso...waxa larabaa marka in iyaga aad u sheegto in Puntland ogolatay in buundadasi la dhise war idinku ka daaya dubaha ku dheh "

Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo isna goobta ka hadlay, ayaa sheegay in Puntland iyo Soomaaliya inteeda kale aanay kala maarmin sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in khilaaf kasta oo jira la xalliyo si xaaladda sideedii caadiga ahayd loogu soo celiyo.

Xafiiska UNSOM waxaa la asaasay June 3, 2013, ujeedooyinka loo dhisayna waxaa ugu muhiimsan in Soomaaliya uu ka taageero: nabadeynta, dowlad wanaagga, hirgelinta nidaamka federaalka, dib-u-eegista dastuurka iyo inuu kaalin muhiim ah ka qaato doorashada lagu wado in Soomaaliya ay ka dhacdo sanadka 2016.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya