4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 17, 2014
Qaar ka mid ah shaqaalihii Idaacadaha Shabelle & SKY oo xoriyadoodii helay

Axad, Ogoosto 17, 2014 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga kasii daysay 16 ka mid ah shaqaalihii idaacadaha Shabelle iyo SKY FM oo ciidanka nabad-sugidda dowladda ay xabsiga u taxaabeen Jimcihii lasoo dhaafay, iyadoo ay weli xabsiga ku jiraan saddex ka mid ah shaqaalaha idaacadahaas.

Idaacadahan oo ka howlgala Muqdisho ayaa waxaa albaabbada isugu dhuftay ciidamada nabadsugidda dowladda, kaddib markii dowladdu ay ku eedeysay inay faafinayeen warar iska horkeenaya bulshada Soomaaliyeed.

"Waxaanu soo dhaweynaynaa sii daynta 16-ka shaqaale ee ka tirsan idaacadaha Shabelle iyo SKY FM oo Jimcihii xabsiga la dhigay, kaddib markii ay ciidamada dowladdu weerareen xarunta idaacadahaas ay ku howlgalayeen," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay NUSOJ caawa soo saartay.

Ururka Qaranka Suxuufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa dowladda ugu baaqay inay xukunka saddexda xubnood ee weli ku jira gacanta ciidamada dowladda in xukunkoodu uu noqdo mid cadaalad ku saleysan.

NUSOJ ayaa xustay in shaqaalaha xabsiga laga sii daayay ay isugu jireen wariyeyaal, faarsamo-yaqaanno iyo waardiyeyaal ka tirsan labadan idaacadood, iyadoo labadii idaacadood ay weli xiran yihiin.

Saddexda xabsiga ayaa waxay kala yihiin: madaxa Radio Shabelle, Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud, agaasimihii idaacadda SKY FM, Maxamuud Maxamed Daahir (Carab) iyo ku xigeenkii madaxa wararka ee idaacadda Shabelle, Axmed Cabdi Xasan, kuwaasoo dowladdu ay sheegtay in maxkamad lasoo taagayo.

"Waxaan dowladda ugu baaqaynaa inay sii dayso saaxiibbadeenna ku jira xabsiga," ayuu yiri xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Bakistaan oo intaas ku daray. "Waxaanu ku dadaalaynaa sidii ay jaalkeenna xiran u heli lahaayeen xukun cadaalad ku saleysan."

Sii-daynta shaqaalahan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli uu shalay sheegay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka in wariyeyaashan la hor-geyn doono maxkamad, kaddib markii uu ku eedeeyay inay kasii daayeen idaacadahooda warar dhiillo xambaarsan oo ka dhan ah amniga dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya