4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 17, 2014
Orod-yahanka Soomaaliyeed ee MO Farah oo ku Guuleystay billado Dahab ah


Axad, Ogoosto 17, 2014 (HOL) — Orod-yahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah, laakiise u ciyaara dalka Britain ayaa guulo ka gaaray tartanka ciyaaraha fudud ee Qaaradda Yurub, isagoo ku guuleysatay laba billadood oo dahab ah.

Farah ayaa ku guuleystay tartanka 5,000 ee mitir kaasoo haatan ka socda magaalada Zurich ee dalka Jarmalka, isagoo noqonaya qofkii labaad taariikhda ciyaaraha fudud ee Yurub oo hal mar ku guuleysta laba billadood oo dahab ah.

Ciyaaryahankan Soomaaliyeed ayaa la xusuustaa inuu tartankii lagu qabtay London sannadkii 2012-kii uu ku guuleystay laba billadood, kaddib markii uu guulo kasoo hoyay tartamada 10,000 ee mitir iyo kan 5,000 ee mitir, intii ay socdeen ciyaarihii Olombikada Adduunka.

MO Farah ayaa Arbacada lasoo dhaafay billadda Dahabka ah ku guuleystay, kaddib markii uu kaalinta koowaad ka galay tartanka orodka ee 10,000 ee mitir, isagoo aad ugu farxay guushaas uu gaaray oo ahayd tii koowaad.

"Tani waxay xoojinaysaa niyaddeyda, waayo waa guul weyn oo aan gaaray," ayuu yiri Farah oo aan ka qaybgelin tartankii ciyaaraha fudud ee dalalka Common-wealth loo yaqaan ee sannadkan lagu qabtay magaalada Glasgow.

Farah ayaa ku orday 14:05:83, wuxuuna ka horreeyay orod-yahanka reer Azerbaijan ee Hayle Ibrahimov oo ahaa ninkii ku xiagy, halka kaalinta saddexaad uu galay orod-yahanka Andy Vernon.

Bil ka hor ayay ahayd markii uu Mo Farah ay xanuunno soo wajaheen kuwaasoo sababay inuu ka baaqdo ciyaarihii Common-wealth-ka ee dhacay sannadkan.

Orod-yahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah ayaa haatan da'diisu tahay 31-sano, isagoo sheegay inuu sii wadayo ka qaybgalaya ciyaaraha fudud ee caalamka uuna rajeynayo inuu rikoor cusub dhigo ka hor inta aanu ka fariisan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya