4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 17, 2014
Xukuumadda oo sheegtay inay Howlgal hub-dhigis ah ka billowday Baydhabo

Axad, Ogoosto 17, 2014 (HOL) — Wasaarada Amniga Qaranka ayaa maanta sheegtay in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay laga bilabay howlgallo hub-ka-dhigis ah, waxayna Baydhabo noqonaysaa magaaladii labaad oo xukuumadda Soomaaliya ay ololaha hub-ka-dhigista ah ka billowdo.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada Baydhabo, C/qaadir Sheekh Cali ayaa sheegay inuu billowday howlgalka looga qaadayo shacabka hubka sharci-darrada ah, isagoo uga digay dadka ku nool magaaladaas inay si sharci-darro ah ku haystaan hub.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Qaranka Somalia, Ibraahim Isaaq Yarow oo ku sugan Baydhabo ayaa ku baaqay in la xoojiyo ammaanka degmadaas, isagoo ciidamada dowladdana faray inay billaabaan howlgallada lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah.

Xaafadaha Baydhabo ayaa lagu arkayaa ciidammo badan oo howlgallo kawada, inkastoo aan illaa hadda lasoo sheegin hub ay ciidamada amnigu ku qabteen howlgalladooda.

Toddobaadyadii u dambeeyay ayay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka wadeen degmooyinka gobolka Banaadir olole hub-ka-dhigis ah oo ay ku sheegeen inay yihiin kuwo amniga lagu sugayo.

Intii ay howlgalladu hub-ka-dhigista ah ka socdeen Muqdisho ayaa waxay ciidamadu la kumeen iska-horimaadyo uu ka mid ahaa mid ka dhacay Jimcihii degmada Wadajir, kaasoo la sheegay in hubka looga dhigayay guddoomiyihii hore ee degmadaas, Axmed Xasan Caddoow (Axmed Daaci).

Howlgalkaas ayaa waxaa ku dhintay 15-qof oo isugu jira labadii dhinac ee dagaalamayay iyo shacab, iyadoo soddon qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo intooda badan ay ahaayeen shacab.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horraantii bishan ansixisay sharciga xakameynta hubka sharci-darrada ah, kaasoo ay ku mamnuucday ka ganacsiga hubka iyo shaqsiyaadka hubeysan ee aan hubka u haysan wax ruqsad ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya