4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 17, 2014
Kooxo hubeysan oo duleedka Mandheera ka faduubay 25 qof oo Shaqaale ah

Axad, Ogoosto 17, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 25-qof oo shaqaale Kenyaana ah ayay ka afduubeen manta barqadii kooxo hubeysan duleedka degmada Mandheera xilli ay dadkaas ku socdeen Mandheera oo ka tirsan gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha degmada Mandheera ayaa sheegay in dableydan ay u mleynayaan inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayna soohdinta labada dal kasoo tallaabeen ka hor intii aysan afduubin dadkan oo bas yar ku safrayay.

"Dableyda afduubka geysatay waxaan u maleynayaa inay Al-shabaab ka tirsan yihiin," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Mandheera Olex Ole Nkoyo, isagoo intaas ku daray in dableydu ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaarigii ay shaqaalahan la socdeen oo ka yimid Arabia.

Olex ayaa xusay in saacado kaddib ay kooxahan hubeysan dadka soo daayeen, inkastoo ay ka qaateen buu yiri wixii ay wateen oo dhan sida; taleefoonnada gacanta, kaarar aqoonsi iyo lacago aanu cadadkeeda sheegin.

"Kooxaha hubeysan waxay waxay dadkan ka afduubeen duhurnimadii maanta inta u dhexeysa degmada Mandheera iyo Arabia, tiradoodu waxay ahayd 25-qof, kuwaasoo ahaa shaqaale ah kuna soo jeeday degmada Mandheera iyagoo ka yimid deegaanka Arabia, waxayna la adeen kooxaha afduubka geystay dhinaca soohdinta, balse saaacado kaddib ay sii daayeen kaddib markii ay baarteen," ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha Mandheera.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo kooxo hubeysan ay laba casho ka hor weerareen shaqaale dhisayay waddo loo sameynayo Mandheera, halkaasoo ay ku dileen mid ka mid ah shaqaalihii oo ahaa darawal.

Dhanka kale, toddobaadkii hore ay rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tallaabeen xadka ay weerareen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Fino oo ku dhow Mandheera, iyagoo dhaawacyo u geystay saddex sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan.

Ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan afduubka maanta looga soo af-duubay duleedka degmada Mandheera 22-qof oo shaqaale ah oo ay mar dambe sii daayeen iyagoo bad-qaba.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya