4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 17, 2014
AMISOM oo shaacisay inay dhawaan ka baxayso Garoonka Muqdisho Stadium

Axad, Ogoosto 17, 2014 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa ka dhawaajiyay maanta inay ka baxayaan garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium, halkaasoo muddo sannado ah u ah ciidammo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. saldhig ciidan.

Arrintan ayaa ku timid kulan ay maanta Xalane ku yeesheen taliska AMISOM, wasaaradda dhallinhyarada iyo ciyaaraha Somalia iyo xubno ka socday xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Mas'uuliyiintii ka socday wasaaradda dhallinyarada ciyaaraha iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa 4,500 oo kubbadaha lagu ciyaaro ah ka guddoomay AMISOM.

"Tani waa qayb ka mid ah qorshe aan ku doonayno inaan Soomaaliya ka taageerno dhanka ciyaaraha kubadda cagta," ayay kulankaas ka sheegtay Lydia Wanyota Matende oo ah ku simaha ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo madaxa AMISOM.

Haweeneydan ayaa sheegtay in howlgalka AMISOM ay diyaar u yihiin inay gacan weyn ka siiyaan Soomaaliya howlaha lagu horumarinayo ciyaaraha iyo nabadda, iyadoo wacad ku martay inay sii wadayaan howlgallada ay kaga horjeedaan kuwa nabadda-diiddan.

Su'aal ahayd inay ciidamadooda kala baxayaan garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium ayay kaga jawaabtay. "Xilliyada dhow ayaan qorsheynaynaa inaan ka baxno, waxaana diyaar u nahay inaan si dhab ah u caawinno Soomaaliya, waayo innagu halkan weligeen ma joogayno."

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somalia, Khaalid Cali Cumar oo kubbadaha ka guddoomay AMISOM oo goobta ka hadlay ayaa isaguna sheegay in wasaaradda ay waddo qorshayaal ay ciidamada AMISOM uga baxaan halkaas si dayactir loogu sameeyo ayna tartammada ku qaban doonaan.

"Garoonka Muqdsiho Stadium waa tuulada kubadda cagta Somalia, waxaana noo qorsheysan inaan dhawaan kala wareegno AMISOM, si aan dayactir ugu sameyno, waxaana socda sidii wadahadalladii aan kula wareegi lahayn," ayuu yiri Khaalid Cali Cumar.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go'an tahay inay kor u qaaddo ciyaaraha dalka, isagoo xusay in rajo weyn ay ka qabaan inay garoommada oo dhan sidoodii hore kusoo celiyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya