4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 17, 2014
Ciidamada Itoobiya oo xalay sadex qof kala baxay hoteel ku yaalla Baydhabo


Axad, Ogoosto 17, 2014 (HOL) — Xalay saqdii dhexe ayaa ciidamada AMISOM ee dalka Itoobiya ka socda ayaa weerar ku qaadeen hoteel la yiraahdo Sydney oo ku yaalla bartamaha magaalada Baydhabo, halkaasoo ay kala baxeen siyaasiyiin iyo ugaas kasoo jeeda beesha Ogaadeen.

Dadka hoteelka lagala baxay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa, Cali Buulo oo ugaaska ah iyo siyaasiyiinta oo kala ahaa; Axmed Jire Warfaa iyo Maxamed Xasan, iyagoo ka yimid magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Saddexdan qof ee xalay laga baxay hoteelka ayaa la sheegayaa inay u yimaadeen degmada Baydhabo maamul-gobaleed Koonfur-galbeed ee lixda gobolka ka kooban, iyadoo aan la ogeyn sababta hoteelkii ay kusoo dageen looga baxsaday.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xubnahan ay muddo dhowr casho ah ku sugnaayeen magaalada Baydhabo, iyadoo magaaladaas ay ku sugan yihiin wafdi ka socda dowladda oo wada qorshe ay ku dhisaan maamul-goboleed ka kooban saddex gobol.

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa shalay degmada Baydhabo waxaay ka afduub madaxii ilaalada hay'adda UNICEF ee degmadaas, Isaaq Mooli-madow, waxaana la sheegayaa inay u kexeysteen Aw-diinle oo ka baxsan Baydhabo.

Lama oga sababaha loo afduubay sarkaalkan ka tirsan UNICEF, iyadoo warar kala duwan laga bixinayo afduubkiisa, haddana HOL waaxay idiin ballanqaadaysaa inay wixii kasoo kordha aad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii ALLE idmo.

Hiiraan Online, Baydhabo