4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 17, 2014
Xukuumadda oo Shaacisay in ay Beegsanayso Goobaha Hubka lagu Keydsado

Axad, Ogoosto 17, 2014 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka dhawaajisay inay beegsanayso bakhaaro iyo garaashyo hubka lagu keydiyo oo ku yaalla Muqdisho, xilli howlgallo hub ka dhigis ah ay ka wadaan Muqdisho ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka, ahna wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed oo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho ayaa sheegay in qorshayaaasha hubka lagu dhisayo lasii ballaarin doono, ayna beegsan doonaan ciidamadu bartilmaameedyo lagu qariyo hubka.

"Ma jirto cid si gaar ah loogu duulayo; waxaa beegsanaynaa meelaha hubka lagu kaydiyo, sida bakhaarada, garaashyo waa hubka wax lagu gumaado weeyaan," ayuu yiri Ridwaan Xirsi.

Sidoo kale, wasiir ku-xigeenku wuxuu sheegay in barnaamijkan uu qayb ka yahay xasilinta amniga, isagoo xusay in xukuumaddu ay ku dadaalayso sidii amniga loo xaqiijin lahaa.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo madaxweynaha Somalia uu shalay ka qaybgalay kulan gaar ah oo golaha wasiirradu ay uga hadlayeen ammaanka iyo warbaahinta madaxa-bannaan, isagoo soo dhaweeyay howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka iyo barnaamijka hub-ka-dhigista.

Bayaankii ay golaha wasiirradu soo saareen shalay ayaa sidoo kale lagu mamnuucay ka ganacsiga iyo hayshada hubka, iyagoo xusay in aan la arki karin qof hub ku dhex-wata gudaha magaalada Muqdisho.

Inkastoo wasiirka diinta iyo awqaafta uu sheegay inay beegsanayaan bakhaaro iyo garaashyo lagu kaydiyo hubka ayaanu haddana sheegin halka ay ku yaallaan, wuxuuse xusay inay maamlaha soo socda qaadi doonaan howlgallo arrintan la xiriira.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya