4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 16, 2014
Duqa Magaalada Muqdisho oo la kulmay duqa Magaalada Stockholm


Duqa  Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) & Duqa Stockholm Mr. Sten Nordin



Sabti, August 16, 2014(HOL)—Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Magaalada Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden kula kulmay duqa Magaalada Stockhom Sten Roland Nordin.

 

Labada Duq Magaalo ayaa kulan ay ku wada yeesheen Magaalada Stockholm waxay uga wada hadleen xiriirka labada dal, gaar ahaan labada caasimadood ee Muqdisho iyo Stockholm. Wada hadalkooda oo qaatay muddo saacado ah ayaa waxay si qoto dheer ugu jeex jeexeen xiriir iskaashi oo dhexmara Magaalooyinka Stockholm iyo Muqdisho.

 

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu u gudbiyay Duqa Stockholm warbixin ku saabsan xaaladda Dalka Somalia guud ahaan, gaar ahaanna xaaladda Muqdisho iyo howlaha baaxadda leh ee uu gobolka Banaadir  ka wado maamulka uu madaxda ka yahay ee Gobolka Banaadir iyo in  maamulkiisa uu si weyn ugu howlan yahay in ay  gobolka Banaadir gaarsiiyaan in ay dadka soo doortaan madaxdooda, halka maanta la soo magacaabo.

 

Markaas kaddib Duqa Magaalada Stockholm Sten Nordin oo aad ugu riyaaqay warbixinta Duqa Magaalada Muqdisho Jen. Muungaab ayaa ka codsaday in uu soo arko sida ay dadka Sweden isugu diyaarinayaan doorashooyinka Sweden ka dhici doona, waxayna labada duq Magaalo booqdeen fagaare Stockholm ku yaalla oo ay xisbiyada dalka Sweden ku soo bandhigayeen ololahooda doorashooyin ka dhici doona Sweden 14-ka bisha september 2014.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo booqasho shaqo ku joogay dalka Sweden ayaa intii uu Magaalada Stockholm ku sugnaa wuxuu kulamo la qaatay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Sweden, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, Hay’adda Sweden deeqaha u qaabilsan ee SIDA iyo Soomaalida ku dhaqan Sweden oo uu kula hadlay kulan soo dhaweyn ah oo loo sammeeyay.

 

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen  Muungaab ayaa wuxuu duqa Magaalada Stockholm Sten Roland Nordin u gudbiyay mahadcelin la xiriirtay taageerada hagar la’aaneed ee ay Dowladda Sweden siiso Soomaaliya iyo weliba sida ay usoo dhaweysay dad badan oo Soomaaliyeed oo dalkeeda ku nool.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]