4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 16, 2014
Manchester United oo guul-darro ku bilowday furitaanka Horyaalka Ingiriiska


Sabti, Ogoosto 16, 2014 (HOL) — Iyadoo maanta oo Sabti uu furmay horyaalka Ingiriiska oo sannad walba ay ku tartamaan kooxaha ka dhigay Ingiriiska ayay kooxda Man United kala kulantay guul-darro weyn ciyaartii ugu horreysay ee furitaanka koobkan.

Kooxda Swansea City ayaa kaga adkaatay Man United 2-1, iyadoo guul-darradan ay niyad-jab ku ridday taageerayaasha kooxda United niyad-jab weyn, iyagoo rajeynayay in guulo wanaagsan ay kooxdu la imaan-doonto, maadaama sannadkii hore ay meelo hoose ka gashay horyaalka.

Tababaraha cusub ee Man United, Louis Van Gaal oo warbaahinta la hadlay markii ay ciyaartu dhammaantay ayaa sheegay in kooxdu ay hoos u dhac weyn la kulantay sannadkii hore, sidaa daraadeedna ay rajeynayaan inay ku soo laabato heerkeedii hore.

“Heerkeennii ma aanan gaarin, kooxduna uma ciyaarin qaabkii looga bartay, runtiina tani waa niyad-jab, waana sababta nalooga badiyay maanta. Waxaan u baahannahay difaacyo adag, waxaana guul-darradeennu ay ku timid khalad aan innagu sameynay,” ayuu yiri Van Gaal.

Sidoo kale, wuxuu yiri. “Markii garoonka lagu soo laabtay ayaanu bedelnay qaabkii ciyaarta, balse waxaa layaab lahayd in gool labaad oo cajiib ah ay naga dhaliyeen ciyaartoydii Swansea, balse fursado badan oo aan goolal ku dhallin kartay ayaan helnay, kamase faa’iideysan.”

Guul-darrada ay Man United kala kulantay ciyaartii maanta oo ka dhacday garoonkeeda ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo looga badiyo kooxdan tan iyo sannadkii 1972-kii, sidoo kale kooxda kasoo horjeedday ee Swansea intii ay ciyaaraysay kuma badin garoonka United ee Old Trafford.

“Waxaanu baaritaan ku sameyn doonnaa sababta ay kooxdu heerkeedii hore ug soo laaban weyday, waayo ciyaartoyda tababar ayaa la siiyay, waxaanu isku deyi doonnaa inaan bedelno naqshadaha ciyaaraha soo socda si aysan noogu dhicin wixii maanta nagu dhacay oo kale,” ayuu hadalkiisa ku daray tababare Van Gaal.

Goolkii koowaad ayaa waxaa kooxda Swansea u dhaliyay ciyaarahankooda Sung-yueng Ki daqiiqadii 28-aad ee qaybta koowaad ee ciyaarta, iyadoo lagu kala nastay qaybtii hore ee ciyaarta 1-0. Markii la isugu soo laabtay qaybtii kale ee ciyaarta ayaa waxaa gool barbarro ah daqiiqaddii 53-aad u dhaliyay Man United kabtankooda Wayne Rooney.

Kooxda Swansea ayaa waxaa daqiiqaddii 72-aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta u dhaliyay goolkeedii guusha ciyaaryahan Gylfi Sigurdsson, iyadoo ay ciyaartu ku dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Swansea.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya