4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 16, 2014
Ciidanka Somaliland ee Gobolka Sool oo Qalabkii shaqo ka qaatay Wariyeyaal

Sabti, Ogoosto 16, 2014 (HOL) — Ciidamada Somaliland ayaa wariyeyaal ka mid ah kuwa ka howlgala degmada Laascaanood ee gobolka Sool waxay ka qaadeen habeenkii Jimcaha ahayd agabkii ay ku howlgalayeen.

War-fidiyeennadan ayaa waxay kala yihii; C/kariim C/llaahi Bile (Olol) oo ka howlgala telefishinka Somali Channel, C/raxmaan Cali Ducaale oo isaguna ka howlgala telefishinka Horn Cable iyo Maxamed Shaqalle Nuur oo ka howlgala telefishinka Somsat.

Qalabka shaqo ee wariyeyaashan laga qaaday ayaa wuxuu ka kooban yahay shan kaamiro, saddex kambiyuutar oo kuwa gacanta lagu qaato ah iyo hal makarafoon, waxayna tilmaameen in ciidamadan ay u sheegeen inay subixii soo doonan karaan qalabkooda, balse loo diiday markii ay kusoo xaadireen guriga gobolka, illaa iyo haddana ay la' yihiin agabkoodii shaqo iyagoo xusay in loo wargeliyay in loo qaaday magaalada Hargaysa.

HOL ayaa isku dayday inay wax ka weydiiso mas’uuliinta maamulka gobolka Sool sababta ay uga xayiran yihiin wariyeyaashan agabkoodii shaqo, balse way ka gaabsadeen inay ka jawaabaan su’aashaas.

Ma ahan markii ugu horreysay oo wariyeyaal magaalada Laascaanood tacadi noocan oo kale ah loo geysto xilli ay howlahooda shaqo ku gudo jireen, iyadoo ay xusid mudan tahay inay ka yimaadeen deegaanka Saaxdheer oo ay ka qabsoontay doorashadii madaxda hoggaanka maammulka Khaatumo.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool