4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 16, 2014
XEER ILAALIYAHA GUUD: Hub-ka-dhigistu waxay Waafaqsan tahay Sharciga


Sabti, Ogoosto 16, 2014 (HOL) — Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir ooo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa bogaadiyay hawlgalkii shalay iyo kuwii ka horeeyay ee maalmahan laamaha amniga ka wadeen Muqdisho, isagoo sheegay inay ahaayeen kuwa sharciga waafaqsan.

“Waa hawlgallo muhiim u ah xaqiijinta sharciga iyo kala danbaynta, si taas loo gaarana waxaa loo baahan yahay in hay’adaha amnigu ay u howlgallada sidii lagu sugayo amniga sii wadaan, annaguna ka garsoor waxaan ciidanka ka taageeraynaa dhinaca,” ayuu yiri xeer ilaaliyaha.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Runtii waa wax laga argagaxo in hub intaa le’eg uu shakhsi gacantiisa ku jiro. Haysashada hubka waa sharci-darro waxaana kaliya oo hub haysan kara dowladda yo ciddii ruqsad loo siiso. Wixii kasoo hara inay hub haystaan waa sharci-darro. Dambiyada lagu galo hubka waa kuwa ugu culus ee dalka ka dhaca. Sidaa daraadeed waa in hubka uu galaa gacanta dowladda oo kaliya. Baarlamaankana waxaan ka dalbanaynaa inay fududeeyaan shuruucda la xiriirta uruurinta hubka sharci-darrada ah ee ay dadku haystaan.”

Sidoo kale, xeer ililaaiyaha ayaa soo hadal qaaday xiritaankii idaacadaha Shabelle iyo SKY FM, isagoo sheegay inay dhib wayn ku hayeen amniga Qaranka, eedeymo aan loo meel dayin iyo been abuurna ay ka sheegayeen howlgalladii lagu sugayay amniga. Wuxuu intaa ku daray in Shabelle iyo SKY FM ay shacabka dhiirri-galinayeen hab beeleed iyo hab kooxeed.

“Tallaabooyinka lagu xiray idaacadaha Shabelle iyo SKY FM waa tallaabooyin wafaqsan sharciga, hay’adaha sharciga ayaana bixiyay amarkaas. Waxay ka qayb-qaadanayeen kicinta shacabka, waxay xad-gudub joogta ah iyo eedeyn been abuur ah ku hayeen madaxda Qaranka, waxayna ka been sheegeyeen hawlgalkii ciidamada amniga iyo kuwa AMISOM ay samaynayeen ee amniga lagu sugayay, hubkana lagu ururinayay. Waxay mar walba dadka ku dhiirri-galinayeen inay hawlgalka u fahmaan qaab qabiil. Arintaana ma ahan mid ay ku dhaqanto hay’ad warfaafineed,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dr. Axmed Daahir ayaa sheegay inay dhamaan warbaahinta lagu qabanayo arrimahan oo kale, waana inay ogaadaan in sharciga ku siinayo xuquuqda aad leedahay, sidoo kale uu ku xakamaynayo oo ay jirto arrimo aan laguu ogalayn inaad faafiso. Wuxuu xusay in idaacadaha Shabelle iyo SKY FM ay dhib weyn ku hayeen amniga Qaranka, isagoo sheegay in amniga Qaranka aanay wax gor-gortan ah ka gelayn.

“Waxaan mar kale ku celinayaa in jaraa’idka, telefishinnada, idaacadaha, ugaasyo, oday dhaqameed, xildhibaan iyo siyaasiba ay ka qayb-qaataan horumarinta iyo sarreynta sharciga, ayna iska iloobaan qabiilka iyo wixii la mid ah. Qof walbana wuxuu gaysto waa kaydsan yihiin, waana noo qoran yihiin, waana lagula xisaabtami doonaa,” ayuu xeer ilaaliyuhu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, xeer ilaaliyuhu wuxuu ka hadlay howlaha u yaalla, isgaoo ku sheegay kuwo fara badan, isagoo xusay in ku dhaqanka sharciga iyo sidoo kale garsoorka la doonaayo inay ka billowdaan xafiiskiisa.

“Waxana ka billaabi doonnaa xafiiska inuu sharciga u hoggaansamo oo uu ka hor-tago xadgudubyada, cid kasta oo ka tirsan xafiiskan oo lagu helo xad-gudub waxaan hor-geyn doonnaa sharciga. Ma ahan in shaqadiisa keliya uu waayi doono, balse waxaanu la tiigsan doonnaa sharciga,” ayuu mar kale yiri Axmed Daahir.

Isagoo intaas raaciyay. “Ma aqbalayno hal garsoore oo laba xukun oo iska soo horjeedda soo saaraya iyo garsoore wixii maskaxdiisa ku jira iska qaadanaya. Garsoore intuu sharciga ku shaqyanaayo ayuu garsoore yahay, cidna uga cabsan mayno dhaqan-gelinta sharciga.”

Xeer ilaaliyaha ayaa xusay in maamulka miisaaniyadda xafiisyada laamaha sharciga oo idil loo maareyn doono sida qaanuunka uu dhigayo, wuxuuna ku daray intaas inay jiraan agaasin maaliyadeed, khasnaji, xisaabiye. Isagoo ku daray in arrintan aysan ahayn mid ku eg xafiiskayga sharciga oo keliya balse ay tahay mid laga doonayo dhammaan laamaha dowladda oo ugu horreeyo kan madaxwaynaha illaa kan ugu hooseeya. Qandaraasyada dowladdu bixiso waa in loo maraa qaabkaa sharciga uu tilmaamayo, ayuu ku daray.

Ugu dambeyn, wuxuu ka digay in canshuurta ay bixiyaan shacabka aysan ku dhicin gacan qaldan, isagoo laamaha canshuuraha dalka ka codsaday inay ilaaliyaan hantida ummadda oo dhan ka dhexeysa ee jeebka qaldan ku dhacaya, si loo maareeyo mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo in lagu qabto howlaha Qaranka, sida garsoorka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqalaaha iyo caafimaadka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya