4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 16, 2014
Islaamiyiinta ISIS oo dad badan ku laayay deegaanka Kawju ee dalka Ciraaq


Sabti, Ogoosto 16, 2014 (HOL) — Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Ciraaq ayaa la sheegay inay 80 rag ah oo Yazidi ah lu dileen, kaddibna kexeystay carruur iyo haweenka fara badan.

Xubin sare oo ka tirsan maamulka Kurdiyiinta, Hoshyar Zebari ayaa sheegay in ragga lagu dilay laba goobood oo kala duwan, ayna falkan fuliyeen kooxda ISIS oo ku duulay deegaanka Kawju, maalintii jimcaha ahayd ee shalay.

Weerarkan kaddib ayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka waxay burburiyeen laba gaari oo ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo ay wateen xubno ka tirsan kooxdan islaamiyiinta ah oo marayay meel ku dhow Sinjar.

Dagaalyahannada weerarka qaaday ayaa la sheegayaa in raggaasi ay markii hore u sheegeen inay diinta Islaamka soo galaan ama la laynayo. Arrintan ayaa argagax ku noqotay beesha caalamka, gaar ahaan dilka ay kooxdan u geysanayso dadka aan sunniyiinta.

Zebari oo mar noqday wasiirka arrimaha dibadda ee Ciraaq ayaa xaqiijiyay in weerarka kaddib ay ku wargaliyeen kooxaha u ololeeya dadka Yazidi-ga ah ee ku sugan magaalada Washington.

Xildhibaan Yazidi ah ayaa sheegay in toogashadan ayaa sheegay inay muddo saacad ah socotay, oo la hadlay qaar ka mid ah dadkii badbaaday. Isagoo la hadlayay BBC-da ayaa u sheegay in diyaaradaha Mareykanka ay duqeeyeen gawaari ku sugnayd meel ku dhow deegaanka Saalxiya.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka weerarka uu ka dhacay ayaa iyagana laga soo xigtay in wararka ay ka heleen mid ka mid ah dagaalyahannada Daacish oo halkaas kasoo jeeda, kaddibna ay u suuro-gashay inay baxsadaan.

Millateriga Mareykanka ayaa qiray duqeynta ay geysteen diyaaradahooda aan duuliya lahayn, kuwaasoo ay sheegeen inay gubeen gawaari ay lahaayeen kooxda sunniyiinta ah ee Daacish oo ku sugnaa meel ku dhow deegaanka Sinjar.

Sidoo kale, ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay duqeyntaas ku dhinteen 15 ruux oo ka mid ah dagaalyahannada kooxdan Islaamiyiinta ah, inkastoo aysan jirin war arrintan ku saabsan oo weli ay soo saartay kooxda Daacish.

Duqeynta ayaa dhacday kaddib markii Kurdiyiinta ay ku war-galiyeen in kooxda ISIS ay weerar ku tahay halkaas, sida ay milatariga Mareykanku u sheegeen warbaahinta caalamiga ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jarmalka, Frank-Walter ayaa gaaray caasimadda dalka Ciraaaq ee Baqdaad, halkaasoo uu kula kulmay dhiggiisa dalkaas, Xuseen Al-Shaxristani. Frank-Walter ayaa sheegay inay 32-milyan oo doollar siinayaan dalkaasi, taas oo loogu talo-galay arrimaha gargaarka.

Toogashadan dadka shacabka ah ayaa imaanaysa iyadoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu isku raacay in la sameeyo qaraar lagu sharaxayo sida loogu baahan yahay in cunno-qabateyn lagu saaro xubnaha ku lugta leh inay ciidammo u qoraan, dhaqaale iyo hubna siiyaan ama u dagaalamaan kooxda Daacish.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya