4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 16, 2014
Qaar ka mid ah Shacabka Kismaayo oo soo Dhaweeyay Hoggaanka Khaatumo


Sabti, Ogoosto 16, 2014 (HOL) — Boqollaal qof oo kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa maanta isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee Kismaayo, iyadoo dadku ay siteen boorar ay ku xardhanaayeen halkudhigyo ay ku muujinayeen taageeradooda ku aadan hogaanka cusub ee maamulka Khaatumo.

Dibadbaxa lagu soo dhaweyay maamulka cusub ee Khaatumo ayaa waxaa soo agaasimay urur dhalinyaro oo ay ku mideeysanyihiin dhalinta kasoo jeeda deegaanada uu ka arimiyo maamulka Khaatumo, waxaana dadkii ka qeybqaadanayay dibadbaxani ay socod dheer kusoo mareen dhamaan wadooyinka waaweyn ee magaalada KIsmaayo.

Intaasi kaddib ayay dadkii dibadbaxayay isugu soo urureen fagaaraha beerta xoriyadda ee magaalada Kismaayo, waxayna halkaasi kusoo bandhigeen cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ee ay caanka ku yihiin dadka dega deegaanada uu ka arimiyo maamulka Khaatumo, waxaana intaa kadib hadallo goobta ka jeediyay masuuliyiin kala duwan.

Ugaas Axmed Siraad Baqoow oo k amid ah salaadiinta Jubooyinka oo kamid ahaa dadkii goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan hogaanka cusub ee uu yeeshay maamulka Khaatumo.

Dhamaan dadkii goobta ka hadlay ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay maamulka cusub ee Khaatumo.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweeynaha maamulka Khaatumo loo doortay xildhibaan Cali Khaliif Galeydh oo hore u ahaa xildhibaan ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya