4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 16, 2014
Madaxweyne Xasan oo Guddoomiye Cusub u Magacaabay Gobolka Sh/Dhexe

Sabti, Ogoosto 16, 2014 (HOL) — Wareegto maanta kasoo baxday xafiiska madaxweyne, Xasan Sheekh Mxamuud ayaa guddoomiye cusub loogu magacaabay gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo xilka laga qaaday guddooomiyihii hore ee gobolka, Cabdi Jiinow Calasoow.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe ayaa loo magacaabay, Cali C/llaahi Xuseen (Guud-laawe) iyadoo wararka ku saabsan xil ka qaadista Jiinoow muddooyinkan dambe la isla dhex-marayay.

”Madaxweynaha Soomaaliya markii uu arkay qodobada kala ah, 87-aad, 90-aad iyo kan 99-aad ee dastuurka dalka. Markuu arkay sharcigii soo baxay Ogoosto 2013-dii. Markuu arkay inay dhammaatay muddadii KMG ahayd ee gudoomiyaha, wuxuu xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Shabeellada dhexe Cabdi Jiinoow, isagoo u magacaabay xilkaas Cali Guud-laawe,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, wareegtada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha oo tixgelinaya soo jeedinta wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka iyo baahi loo qabo dib u dhiska maamul-goboleedyada dalka si dalka loo gaarsiiyo federaaliisimka uu xilkan u magacaabay.

Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ka mid ah deegaannadii ay dowladdu kala wareegtay Al-shabaab sannadihii lasoo dhaafay, iyadoo markii ciidamada dowladda iyo AMISOM ay kala wareegeen Jowhar Al-shabaab xilkaas loo magacaabay Cabdi Jiinoow oo maanta laga qaaday xilka.

Lama oga xilliga guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeellada dhexe uu la wareegayo xilka, iyadoo sidoo kalena aanu weli ka hadlin xil ka qaadistiisa, guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellada dhexe.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ay ku doonayso inay maamul mideysan ugu sameyso gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, kaasoo la mid noqon doona maamulka loo sameynayo gobollada Galguduud iyo Mudug oo dhawaan heshiiskiisa lagu saxiixay Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya