4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 16, 2014
Hay'adda CCA oo qabatay dood ku saabsan Wacyi-gelinta carruurta la qalday


Sabti, Ogoosto 16, 2014 (HOL) — Dood-cilmiyeed ay soo qaban-qaabisay hay'adda CCA, loogana hadlayay sidii waalidiintu ay ula socon lahaayeen carruurtooda, isla markaana looga hor-tagi lahaa fikradaha qaldan ayaa maanta lagu qabtay muqdisho.

Dooddan oo ay ka qayb-galeen in ka badan laba boqol oo ruux oo ka kala socday degmooyinka Cabdilcasiis, Boondheere iyo Shangaani ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay mas’uuliyiin ka kala socota maxakamadda sare ee ciidamada qalabka sida, maamulka gobolka Banaadir, madaxda degmooyinka iyo xubno matalayay hay'adda CCA.

Guddoomiyaha maxakamadda sare ee ciidamada qalabka sida, Cadiraxmaan Maxamed Tuuryare oo ka hadlayay furitaankii dood-cilmiyeedka ayaa xusay inuu ku bogaadinayo CCA abaabulka mowduucan ee waqtigiisii la joogo, wuxuuna tilmaamey in xilligan uu waddanku galay marxalad cusub oo ku aaddan ka hor-tagga cid kasta oo nabadda diiddan.

Tuur-yare oo hadalkiisa sii wata ayaa caddeeyey inay ka go'an tahay in qof walba oo qof kale dila ay tooganayaan, wuxuuna dhanka kale ugu yeery dadka Soomaaliyeed inuu qof walba noqdo guul-wade Qaran oo la shaqeeya hay'adaha Amniga.

Mar uu ka hadlayay arrimaha Al-shabaab, wuxuu intaas ku daray in kooxdan ay yihiin cadowga nabadda, isagoo xusay in waaliddiinta ugu baaqayo inay carruurtooda ka ilaashadaan Al-shabaab.

Sidoo kale, guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir iyo guddoomiyaasha degmooyinka Cabdilcasiis iyo Shangaani, Marwo Jawaahir Baarqab, Cismaan Muxudiin Cali Cariif iyo Saciid Cabduqaadir Saciid oo iyaguna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegey inuu soo dhaweynayaan qabashada doodaha noocan oo kale ah, waxayna ku cel-celiyeen inay waalidiinta ka codsanayaan sidii ay carruurtooda u ilaashan lahaayeen.

Mas’uuliyiintaas waxay sheegeen in shacabka looga baahan yahay sidii ay isaga kaashan lahaayeen adkeynta nabadda iyo ilaalinta xasiloonida guud ee dalka, iyagoo u soo jeediyey bulshada seddexdaas degmo ee kala ah inay la shaqeeyaan maamulladooda iyo hay'adaha Amniga.

Agaasimaha hay'adda CCA, Maxamed Cabdi Xasan "San-dheere" oo isna hadal ka jeediyay halkaas ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta taariikhda iyo waxqabadka hay’adda, isagoo hoosta ka xariiqay inay CCA ka go'an tahay sidii ay waalidiinta Soomaaliyeed gacan uga siin lahayd hannaankii ay ula socon lahaayeen carruurtooda si ay carruurtu wax u taraan dadkooda, diintooda iyo dalkooda.

Gaba-gbadii dooddaasi ayaa xubnihii ka qayb-qaadanaayay ayaa halkaas ka soo saaray qodobbo lagu xoojinayo nabadda, is-dhexgalka bulshada iyo sidii ay waaliddiintu ula socon lahaayeen carruurtooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya